Mombasa [RBC Radio]Wararka anuu ka heleyno maantey magaaladda Mombasa ayaa soo sheegaya in booliska magaaladdas ay toogosho ku dileen nin ay uga shakiyeen argagaxisnimo.
Sidaa uu xaqiijiyey taliyaha booliska gobolka xeebta ku yaal Aggrey Adoli ayaa sheegey in ninkaan ay maantey boolisku toogteen inuu ahaa nin dhawaan soo muslimey ,islamarkaana uu qorshaynayay weeraro argaagaxiso oo uu ka geesto magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.
Aggrey Adoli taliyaha booliska ayaa sidoo kale sheegey in guriga ninkaan ay ka dhex xeleen laba qori, 200 oo xabo rasaas ah iyo laba bam gacameed,kadib markii ay boolisku harareeyen gurigiisa isla markana ay ku wargaliyeen inuu isii soo dhibo balse taas uu ka dhaga adegey booliskuna ay toogten.
Mr Adooli waxaa sidoo kale uu si cadd uu sheegey in ninka lagu tuhmay in uu kamid yahay ragagagaxisa in uu kamid ahaa liiska dad ay booliska ku daba jireen in muddo ah.
Ugu danbeentina taliyaa waxaa uu tilmaamey in dhawaan ay saxaafda tusi doonaan qalab ay ka heleen guriga ninka ay maanta toogteen kuwaasi oo loo adeegsado falalka argagaxisada.
RBC Radio