Kismaayo[RBC Radio]Waxaa maantey magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose shir saxaafaded ku qabtey afhayeenka maamulka Jubbaland Cabdinaasir seeraar isagoona ka hadley arrimo dhor ah oo ay ugu mugweynayeen safarkii uu shaley ku garey dalka Itoobiya madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo ammaanka magaaladda Kismaayo.
Cabdinaasir seeraar afhayeenka Jubbaland ayaa shirkiisan jaraa’id ugu horeen kaga warbixiyey xaaladda amni ee magaaladda Kismaayo waxana uu sheegey inay ku dadaalayaan xasilinta ammaanka Kismaayo iyo guud ahanba deegaanada Jubbaland inkasto u tilmaamey inay jiraan isku dhex yaac dhanka amniga ah taaso xiligaan guulo ay ka gareen intooda badan isla markana ay xiligaan ku dadaalayan sidii ay u dhamestiri lahayen.
“Shirkeygaan jaraa’id waxaa uu quseya inan idinkaga warbixiyo ammaanka Kismaayo iyo safarkii Madaxweynaha uu ku tagey Addis Ababa,haddi an ammaanki idin kugu hormaro magaaladda Kismaayo maalmihii danbe isku dhex yaac ayaa laga daremayey balse howlgallo ay sameeyen ciidamada amnigu waxbadaan ayaan guulo kagarney waxana ku dadaaleyna sidii an u dhamestiri lahyen intaa inoo dhiman“waxaa intaa ku bilaabey shir jaraa’id uu qabtey afhayeenla Jubbland.
Seeraar waxaa uu sidoo kale kusoo qadey shir saxaafadedkisa safarkii uu shaley ku gaarey magaaladda Addis Ababa ee caasumada Itoobiya madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe waxana uu caddeyey in safarkasi uu ka danbeyey kadib markii sida uu sheegey uu Axmed Madoobe casumaad rasmi ah uu ka heley dowladda Itoobiya.
“Madaxweynaha shaley waxaa uu tagay Addis Ababa waxaana uu casuumad rasmi ah uu ka heley dowladda Itoobiya waxaa uu kulamo laqadanayaa intaa uu ku sugan yahay dalka Itoobiya madaxda dalkaasi ugu soreyso waxana uu kala hadli doona arrimo ku saabsan Jubbooyinka iyo deris wanaagga”seeraar ayaa intaa kusoo qadey shirka jaraa’id ee uu maantey ku qabtey Kismaayo.
Maamulka magaaladda Kismaayo ayaa shoor mar oo hore ku cel celiyey inay ku dadaalayaan amniga magaaladda Kismaayo inkasto xiligaan uu umuqdo mid wanagsan.
RBC Radio