Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Waxgaradka Jubbooyinka oo markale Baaq U diray DFS.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Kismaayo[RBC Radio]
Magaaladda Kismaayo ee xaruunta gobolka Jubabada Hoose waxaa kasoo baxaya baaqyo iska soo daba dhacayo baaq yadasi oo loo jeedinayo dowladda faderalka  Soomaaliya iyadona logu baaqo ka soo muqashada doorka dowladdnimo ee shirka lugu dhisayo maamulka Jubbo-land.

Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolada Jubooyinka ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay kasoo muqdan doorkoda kaga aadan shirka lugu disayo maamulka Jubbo-land.

Nabadoon Axmed Cali oo maantay warbaahinta lahadalay ayaa waxaa uu shegay in shirka dhismaha Jubbo-land oo yahay mid rabitaanka shacabka Jobooyinka ku socda islamarkana ay raali ka yihiin shacabka goboladaasi in maamul ugooni ah ay dhistaan,waxaa uu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay tahay dowladda gobolada dhisanaya maamulka dhismaha maamulkana uu yahay qodob sharci ah oo xukumada xiligaan lugu soo dortay.

Axmed Cali yaa sidoo kale sheegay inay looga baahan yahay dowladda Soomaaliya inay ergo uga qeybqaata shirka maamul u sameynta gobolada jubooyinka ay usoo dirto Kismaayo.

“Dowladdu waa dowladdeeni waxaana uga baahan nahay inay kasoo qayb qaadato dhismaha maamulka Jubbo-land oo ah maamul ay dhisanayaan shacabka daga gobolada uu maamulku ka kooban yahay waxana ugu baaqaynaa anogo ku ceel celinayna in xukuumadu soo dirto ergadii uga qayb gali lahayeed,dhismaha maamul goboledyadana waa qodob sharci ah oo waxaa qoraya dasturka waxana uu ku qoran yahay qodobka 53-aad”waxaa intas hadalkisa ku sheegay nabadoon Axmed Cali.

Nabadoonka ayaa intaa ku daray in umadda Soomaaliyed ay umado dheer ay ku jirtay dagaalo iyo qabil tasina ay sabbabtay nadamli waxana uu si cadd u sheegay in shacabka Jubbooyinka aysan intaa ka badan u dulqadan karin nadam la’i.

“Umadda Soomaaliyed modo kabadan 22-saano waxa ay ku jirtay dagaalo iyo diriir qabil tasina waxaa sabbabay nadam la’an shacbka ku nool Jubbooyinka mudo kabadan 5-bilood ayey soo shiraysay si ay aayaheda uga tashato inta kabadana majoogi karaan nadam la’an marka dowladu waa dowladdeni ee ha garab istagto shirka lugu dhisayo Jubbo-land”ayuu hadalkisa ku sheegay nabadoon Axmed Cali.

Ma ahan marki ugu horaysay ee ay Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolada Jubooyinka ay soo jeediyan baaq ku socda xukuumada Faderalka ah iyaga oo ka codsanaya kasoo muuqashada dhismaha maamulka Jubbo-land.

Iimaan Maxamed Jaamac

RBC Radio Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles