Muqdisho(RBC Radio) Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir la gaarsiiyey Carruur uu soo ritay Cudurka Dabaysha,Isbitaalka ayaa waxaa 24-kii saac ee u danbeeyey waxaa la gaarsiiyey 7 Carruur ah oo la ildaran Cudurka Dabaysha(Polio).
Carruurta la dhigay Isbitaalka Banaadir ee uu haleelay Cudurka Dabaysha ayaa waxa ay da’doodu ka hooseysaa 5-ta sano,agaasimaha Qaybta Carruurta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir Drs Luul oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegay iney la tacaalayaan Carruurta uu soo ritay Cudurka Dabayshu ee Isbitaalka la soo gaarsiiyey.
Drs Luul ayaa sheegtay in Carruurtan laga kala keenay gobolada Banaadir iyo Shabeelaha hoose,waxayna tilmaantay in 2 kamid ahaa Carruurta Isbitaalka la soo gaarsiiyey ay u dhinteen Cudurka Dabaysha,iyadoona tilmaantay iney la tacaalayaan sidii ay u baxnaanin lahaayeen Carruurta la xanuunsan Cudurka Dabaysha.
Madaxa Qaybta Carruurta ee Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka Banaadir Drs Luul ayaa sheegay in Dhaqaatiirta Isbitaalku ay gurmad weyn u fidinayaan Carruurtan uu haleelay Cudurka Dabaysha,waxayna ka dalbatay bulshada Soomaaliyeed iney iska tallaalaan ubadkoodane ay siiyaan tallaalka ka hortagga cudurka Dabaysha oo la xaqiijiyey inuu ka jiro dalka Soomaaliya.
Muqdisho iyo qaybo kale oo dalka ah ayaa waxaa xiligan ka socda ololaha tallaalka Cudurka Dabaysha,walow aysan inta badan bulshada Soomaaliyeed ku baraarugsaneen waxyeelada Cudurkan oo la tilmaamay inuu sababo dhimasho iyo Curyaanimo,isla markaane uusan lahayn wax daawo ah ka hortag mooyee.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho