Gaalkacyo(RBC Radio) Wasiirka cusub ee arimaha gudaha iyo amniga maamulka Galmudug ayaa ka warbixiyey ajandaha cusub ee wasaaradda loo dhiibay,wuxuuna tilmaamay in qorshaha ugu horeeya ee wasaaradda uu wasiirka ka yahay ay tahay xaqiijinta amniga deegaanada uu ka arimiyo maamulka Galmudug si ay hay’adaha gargaarkun ugu soo dhiiradaan deeganadaa isla markaane ay gacan u siiyaan shacabka ku dhibaataysan deegaanada Galmudug.
Axmed Baasto wasiirkii hore ee warfaafinta Galmudug oo hadda loo magacaabay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Galmudug kadib isku shaandhayn lagu sameeyey golaha wasiirada Galmudug ayaa daboolka ka qaaday in wasaaradda uu masuulka ka yahay ay dajisay qorshe ay ku dooneyso iney ku sugto amniga deegaanada maamulkaas.
Wasiirka ayaa tibaaxay iney qorshe u yeeli doonaan dhalinta burcad badeedda ah,wuxuuna tilmaamay iney ku samayn doonaan hub ka dhigis isla markaane ay u abuuri doonaan shaqooyin si ay uga waantoobaan falalka burcad badeednimada.
Wuxuuna sidoo kale shaaca ka qaaday iney qorsha ugu jirto qaadista dhammaan Isbaarooyinka yaalla deegaanada uu gacanta ku hayo maamulka Galmudug,wuxuuna xusay in dhalinta Isbaarooyinka dhigta ay u samayn doonaan wacyi galin iyo ballan qaadyo si ay ugu qanciyaan iney iska dayaan dhibaateynta bulshadooda.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho