Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa wariyaasha kula hadlay gudaha garoonka Aadan Cadde wuxuuna uga waramay ujeedka safarka uu ku yimi magaalada Muqdisho.
Cabdi Xasan Cawaale madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku micneeyey imaatinkiisa Muqdisho ka qaybgalka shir ay ka wada qaybgalayaan dhammaan maamulada kala duwan ee ka dhisan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya,shirkaas ayuu sheegay in looga wada hadli doono sidii ay maamul mideysan u heli lahaayeen bulshada ku dhaqan gobolada dhexe ee dalka.
“Shirkaas waxaa ka qaybgalaya maamulada ka jira gobolada dhexe iyo waxgaradka kasoo jeeda goboladaas,waxaana looga arinsanayaa sidii bulshada goboladaas ay uga tashan lahaayeen masiirkooda ayna u dhisan lahaayeen maamul ay ku wada mideysan yihiin” ayuu yiri madaxweyne Cabdi Qaybdiid.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in shirka lagu mideynayo maamulada gobolada dhexe ay soo abaabushay hay’adda Cilmi baarista iyo Wadatashiga ee CRD,wuxuuna tilmaamay in shirka ay kaalin weyn ku leedahay dowladda federaalka Soomaaliya.
Wuxuuna intaa ku daray in qorshuhu uu markii hore ahaa in shirka lagu mideynayo maamulada gobolada dhexe lagu qabto mid kamid ah degmooyinka goboladaas,balse waxa uu tilmaamay in la isku raacay in shirka uu ka bilowdo caasimadda Muqdisho,kadibne lagu soo gabagabeeyey gobolada dhexe.
Aqoonyahannada,siyaasiyiintaCulima udiinka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee kasoo jeeda gobolada dhexe ee dalka ayaa Muqdisho,gobolada dhexe iyo dalka dibadiisa ka wada dadaalo ay ku doonayaan iney ku samaystaan maamul mideysan oo metela bulshada ku dhaqan goboladaas.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho