Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dhammaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyee laga tallaalayo cudurka Dabaysha oo la xaqiijiyey in dalka laga helay,wasiirka ayaa sheegay in ciidamada dowladda xarumahooda loogu geyn doono tallaalka ka hortagga cudurka Dabaysha.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay iney muhim tahay ilaalinta caafimaadka ciidanka qaranka Soomaaliyeed,wuxuuna amar ku bixiyey in dhammaan xarumaha ciidanka la geeyo tallaalka ka hortagga cudurda Dabaysha si ciidanka loo tallaalo.
Wasiirka ayaa dhanka kale ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya u ballan qaaday iney si joogto ah u heli doonaan xiligan wixii ka danbeeya xuquuqda ay leeyihiin,isla markaane aan muran iyo daahid la galin doonin xaqa ciidanka qaranka Soomaaliyeed.
” Hadda ka dib Xuquuqdiinna waxaad u heli doontaan si joogto ah sida Mushaharaadka,waxaad kaloo heli doontaan Taakulayn joogto ah,waxaana la idiin diyaariyey taakulayn sida Daawo,Guryo iyo agabyada kale ee aad u baahan tihiin” sidaasi waxaa yiri wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin MAxamuud Xaaji Fiqi oo la hadlayey ciidan milateri ah oo loosoo gabagabeeyey tababar in muddo ah uga socday deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa ammaanay hawsha adag ee ciidamadu ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna u ballan qaaday in dowladdu ay mar walba u fududeyn doonto gudashada waajibaaka qaran ee saaran,wuxuuna dhanka kale ka digay in ciidanku ay shacabka dhibaateeyaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho