Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xukuumadda oo sheegay iney adeegyo caafimaad gaarsiineyso bulshada ku dhaqan gobolada dalka

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney adeegyada caafimaad gaarsiineyso guud ahaan gobolada dalka,agaasimaha waaxda caafimaadka wasaaradda adeeggga bulshada xukuuadda federaalka Soomaaliya C/risaaq Yuusuf Axmed ayaa shaaca ka qaaday iney wadaan qorshayaal ay ku doonayeen in adeegyo caafimaad ay ku gaarsiiyaan gobolada dalka.

Agaasimaha waaxda caafimaadka wasaaradda adeegga bulshada ayaa tilmaamay iney ahmiyadda koowaad siinayaan tallaalka ka hortagga cudurka Dabaysha,wuxuuna tilmaamay in baaritaano ay sameeyeen ay ku ogaadeen in qatarta cusurka Dabayshu ay tahay mid wali taagan,wuxuuna sheegay in baaritaano ay wasaaraddu samaysay ay ku xaqiijiyeen in dhowr iyo Toban ruux laga helay cudrkaas kuwaas oo ay ka mid yihiin dadka waaweyn.

C/risaaq Yuusuf agaasimaha waaxda caafimaadka ayaa intaa ku daray in dhammaan gobolada dalka ee ay dowladdu gacanta ku hayso iney gaarsiinayaan tallaalka,wuxuuna ka digay waxyeelada cudurka Dabaysha oo uu sheegay in hadii uu dadka waaweyn haleelo uu dilayo,balse Carruurta yar yar uu curyaaminayo,wuxuuna bulshada ku booriyey ineysan dhayalsan dhibaatada cudurka dabaysha.

Agaasimaha waaxda Caafimaad ayaa dhanka kale tilmaamay in wasaaraddu ay wado qorshayaal ay ku dooneyso iney dalka ku fidiso adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna xusay in wasaaraddu ay hawlahaas ka bilowday gobolada Galgaduud iyo Gedo,halka qorshaha xigane uu yahay gobolada ,Shabeelaha Hoose,Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles