Jowhar(RBC Radio) Maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in la dhammeeyey xiisadihii colaadeed ee maalmihii danbe ka taagnaa magaalada Jowhar iyo deegaanada hoos yimaadda kuwaas oo u dhexeeyey beelo wada dega gobolkaas,gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Shabeelaha dhexe Cali Cismaan Ibraahim ayaa sheegay in shir xalay ka dhacay magaalada Jowhar lagu xaliyey khilaafaadkii ka dhextaagnaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay gobolkaas.
Gudoomiye ku xigeenka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay iney isku keeneen odayaasha beelaha dagaalamay isla markaane ay Jowhar ku qabteen kulan 3 geesood ah oo ay ka qaybgaleen odayaasha beelaha dagaalamay iyo masuuliyiinta maamulka,wuxuuna tibaaxay in kulankaas ay ku heshiiyeen beelihii dagaalamay ayna kasoo bexeen go’aanno ay ka mid ahaayeen in colaadahaasi aysan mar danbe soo noqon.
Cali Cismaan Ibraahim ayaa sheegay in sidoo kale kulankaas lagu go’aamiyey in alshabaab uusan mar danbe isku hubeyn iskuna dirin beelaha walaalaha ah,isagoona alshabaab ku eedeeyey iney huriyeen colaaddaas iyaga oo doonaya iney ka faa’iideystaan is dilka bulshada Soomaaliyeed sida uu sheegay.
Gudoomiye xigeenka Shabeelaha dhexe ayaa la weydiiyey wararka sheegaya in maamulkoodu uu la saftay mid ka mid ah beelihii dagaalamay,wuxuuna sheegay in arintaasi ay tahay been abuur iyo warar aan sal iyo raadtoona lahayn,wuxuuna tilmaamay in maamulka ay ku wada jiraan beelaha ku dhaqan gobolka,ciidanka dowladdune ay yihiin ciidan qaran oo ka kooban Soomaali weyn aysanne maqcuul ahayn iney la saftaan beel gaara.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho