Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirka arimaha dibadda maamulka Soomaaliland oo difaacay ka qaybgalkiisii shirkii Maalgashiga Soomaaliya

$
0
0

Hargeysa(RBC Radio) Wasiirka arimaha dibadda maamulka Soomaaliland Maxamed C/llaahi Cumar ayaa difaacay ka qaybgalkiisii shirkii looga hadlayey Maalgashiga Soomaaliye ee lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda Keny,ka qaybgalka wasiirka ee shirkaas oo buuq iyo guux ka dhaliyey  deegaanada maamulka Soomaaliland shacabka iyo xisbiyada mucaaradka Soomaaliland ayaa  wasiirka ku cambaareeyey ka qaybgalkiisa  shirkaasi oo ay sheegeen inuu ahaa mid aan khusayn arimaha Soomaaliland.

Maxamed C/llaahi Cumar oo ka hor hadlayey xildhibaanada golaha baarlamaanka Soomaaliland ayaa sheegay in shirkaas ay iyagu markii hore ka digeen ka qaybgalkiisa balse markii danbe ay lasoo xiriireen qabanqaabiyaasha shirkaas oo uu ku sheegay iney ahaayeen shirkado ka diiwaan gashan deegaanada Soomaaliland.

Wasiirka ayaa tilmaamay in markii ay baaritaano ku sameeyeen ajandaha shirkaas ay ogaadeen in shirkaasi uu ku saabsanaa in shirkadaha ganacsiga  ee ka jira dalalka Kenya Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ay ku samaysanayaan Iskaashi sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkaasi uusan gabi ahaanba waxba u dhimeen madaxbannaanida iyo qaranimada Soomaaliland sida uu sheegay,wuxuuna shacabka deegaanadaas u sheegay in arintaasi ay tahay mid la buunbuuniyey oo laga leeyahay damac siyaasadeed.

Dhanka kale Mid ka mid ah xildhibaanada golaha wakiillada maamulka Soomaaliland ayaa wasiirka arimaha dibadda maamulkaa weydiiyey su’aal ahayd, wasiir waxaad si qarsoodi ah ula kulantaa madaxda dowladda Soomaaliya,Ma waxaad kala hadashaa ajande adiga kuu gaara?.

Wasiirka ayaa su’aashaas si weyn uga carooday wuxuuna ku tilmaamay iney tahay mid ka baxsan anshaxa isla markaane meel kadhac ku ah,balse wuxuu xildhibaankii ku celiyey inuu keeno cadeymo cidda uu la kulmay? halka uu kula kulmay? iyo goorta uu la kulmay madaxda uu xildhibaanku sheegay inuu sida qarsoodiga ah ula kulmay?.

Ka qaybaglkii wasiirka arimaha dibadda maamulka Soomaaliland Maxamed C/llaahi Cumar shirkii maalgashiga Soomaaliya ee lagu qabtay dalka Kenya ayaa waxaa su’aal ka keenay masuuliyiinta dowladda shacabka iyo xisbiyada mucaaradka oo wasiirka ku dhaliilay inuu si iskiis ah oo aan laga wada tashan uu shirkaas uga qaybgalay.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles