Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka badbaaday weerar ka dhacay Nairobi oo la doonayey in lagu afduubto

$
0
0

Nairobi(RBC Radio) Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa ku waramaya in xalay magaaladaas lagu weeraray 2 mudane oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya horane wasiirro uga soo noqday xukuumadihii kumeelgaarka ahaa ee dalka soomaray,Xildhibaanada weerarka lagu qaaday ayaa kala ah Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre .

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa warbaahinta uga waramay sida uu u dhacay weerarka lagu qaaday,wuxuuna tilmaamay in xalay fiidkii xilli ay ku sugnaayeen magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenay ay weerar kusoo qaadeen 3 Nin uu hubeysan kuwaas oo sida uu sheegay doonayey iney xildhibaanada afduubtaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in raggaasi  markii ay weerarka kusoo qaadeen ay u suurta gali weysay iney  afduubtaan kadib ay ka qaateen Kumpiyuutarro,taleefanada gacanta iyo agab kale oo ay xildhibaanadu wateen,wuxuuna tilmaamay in Ilaah uu ka badbaadiyey falkaas lagu doonayey in lagu afduubo,Xildhibaan Goodax ayaa sheegay iney qayliyeen markii raggaasi ay weerarka kusoo qaadeen  in goobta oo saxmad badeen awgeed ay goobta ka baxsadaan.

Mudane C/llaahi Goodax Barre ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin intaa ka badan ka bixiyo cidda soo weeraratay iyo ujeedka ka danbeeyey weerarka la doonayey in lagu afduubto sida ii tilmaamay,wuxuuna intaa ku daray in waxa mudan u Alle loga mahad cesho ay tahay iney nabad qabaan kana badbaadeen dhibkii lala damacsanaa.

Weerarka lagu qaaday xildhibaanada ayaa lala xiriirinayaa iney salka ku hayso arimo siyaasadeed oo la xiriiraha arimaha siyaasadeed ee ka taagan gobolada dalka gaar ahaan Jubooyinka.

 

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles