Muqdisho(RBC Radio) Wufuudda ka qaybgalaya shirka dib u ahbaynta waxbarashada dalka ayaa kusoo qulqulaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta kasoo dagay wufuud ay kala hogaaminayaan wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa iyo wasiirka waxbarashada maamulka Galmudug Maxamed C/qaadir Xaashi,waxaa sidoo kale Muqdisho soo gaaray wufuud ka kala timi dalka gudihiisa iyo dibadiisa kuwaas oo lagu marti qaaday ka qaybgalka shirka dib u habaynta waxbarashada dalka.
Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa wufuudan si diiran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,wufuudan ayaa ka qaybgalaya shirka qaran ee dib u habaynta tacliinta dalka oo burburtay markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee dalka.
Cabdi Faarax Juxa wasiirka waxbarashada maamulka Puntland ayaa ka mahad celiyey sida wanaagsan ee loosoo dhaweeyey,wuxuuna tilmaamay iney ku faraxsan yihiin ka qaybgalka shirka looga tashanayo waxbarashada dalka iyo sidii loo heli lahaa Manhaj Mideysan oo ay wax ku bartaan Ubadka Soomaaliyeed.
Wasiirka waxbarashada Galmudug ayaa isne sheegay in maamulka Galmudug uu soo dhaweynayo qabshada shirka qaran ee looga wada tashanayo waxbarashada dalka,Maxamed C/qaadir Xaashi wasiirka waxbarashada Galmudug ayaa tilmaamay in shirkaasi ay filayaan iney kasoo baxaan go’aano wax ku ool ah oo wax looga qabanayo waxbarashada dalka.
Maryam Qaasim Axmed wasiirka wasaaradda adeegga bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta ay Muqdisho soo gaareen Ergadii ugu badneed,waxayna dhanka kale soo dhaweysay sida maamulada Galmudug iyo Puntland ay u ajiibeen baaqii ay u dirtay dowladda Soomaaliya kaasoo ku saabsanaa iney kasoo qaybgalaan shirka dib u habaynta waxbarashada dalka ee ay gar wadeenka ka tahay dowladda Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho