Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha Jubbaland oo garey Addis Ababa si weynaha halkaas logu soo dhaweeyey (Sawirro)

$
0
0

Addis Ababa [RBC Radio]Magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya waxaa garey wafti ballaaran oo u horsocdo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Waftiga madaxweynaha oo ay qeyb ka ahaayen masuuliyin sar sare oo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa xiligii ay gareen magaaladda Addis Ababa waxaa kusoo dhaweeyey wafti kasocdey dowladda Itoobiya oo ay qeyb ka ahyeen xubno katirsan golaha wasiirada Itoobiya,sidoo kale boqoolal dadweyne ah ayaa iyaguna ka qeyb qatey soo dhaweynta waxana ay isgu jireen dad weynahaasi jaaliyadda Jubbaland,jaaliyadda Puntland ee Itoobiya iyo dad weyne kale.
Socdaalka uu Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland kutagey Addis Ababa waxaa ay ka danbeysey kadib markii uu casuumad rasmi ah ka heley madaxda dalkaasi Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa warbaahinta kula hadley garoonka diyaaraha ee magaaladda Addis Ababa waxana uu sheegey in imaatinkisa Itoobiya ay ka danbeysey kadib markii uu casuumada ka heley madaxda Itoobiya,waxana uu intaa ku darey inuu la kulmi doono masuuliyin ka tirsan Itoobiya oo uu ka mid yahay R/wasaaraha Itoobiya Hailemariam Deselam.

 
“Waxaan maantey soo garney aniga iyo wafti katirsan Jubbaland magaaladda Addis Ababa waxana ad ugu mahadcelinayaa soo dhaweynta ballaaran ee ay i sameeyen masuuliyinta ka socotey dowladda Itoobiya iyo jaaliyaddaha Jubbaland iyo Puntland oo sida uu muqata soo dhaweynteyda an u kala harin,anaga waxan unimid dalka si an kulamo ula yeelano masuuliyin katirsan Itoobiya waxaana caawa la kulmi doona Hailemariam Deselam R/wasaaraha Itoobiya”waxaa intaa saxaafada u sheegey madaxweyne Axmed Madoobe.
Sidoo kale waxaa uu hadalkisa kusoo qadey madaxweyne Axmed Madoobe in kulamada uu la qadaan doono madaxda Itoobiya uu kala hadli doono danaha reer Jubbaland iyo sidii ay ula shaqeyn lahayeen dowladdaha dariska ah inkasto usan kusii dheeran arrimaha ay isla soo qadi doonan madaxda Itoobiya.
Ugu danbeeyntina waxa maalinka bari ah lugu wadaa inuu kulan ballaaran laqato madaxweynaha Jubbaland jaaliyadda reer Jubbaland iyo kuwo Puntland ee kusugan dalkaasi Itoobiya isagoona uga xogwaramidoona sida uu sheegey xaaladda deegaanada maamulka Jubbaland.
Dhawaan ayey ahyeed xili uu madaxweynaha Jubbaland dib ugu soo labtey dalka Kenya halkaasi oo u kulamo kula soo qaatey madaxda dalkaasi Kenya oo ay ka mid ahayeen madaxweynaha Kenya.
Waa socdaalkii ugu horreeyay ee uu madaxweyne Axmed Madoobe ku gaaro dalka Itoobiya tan iyo markii xilka loo doortay horraantii bishii la soo dhaafay.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles