Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Cabdiqasim Maxamed Xassan (Dhagaweyne) oo ka digey in Dastuurka wax laga bedelo ama la Gamco-gamceeyo

$
0
0

Cabdiqaasim Maxamed Xassan (Dhagaweyne)

London, Uk : Qoraal naga soo gaarey Ku-xigeenka Xafiiska Ergadda Puntland ee dalka Ingiriiska (UK) ahna sii hayaha Xafiiska xiriirka Jaaliyaddaha dibadda ee Xisbiga Horseed mudane Cabdikasim Maxamed Xassan kaas oo ka hadlaya in haddii wax laga bedelo Dastuurkii ama Axdi-Qarameedkii ay ku heshiiyeen ummadda Soomaaliyeed ee lagu dhisay Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Golayaasha jira inay bilaabaneyso burbur iyo halaag dib loogu noqdo in ka badan 23 sanno . Masuuliyadeedana ay qaadi doonaa madaxda hadda jirta oo ah madaxdii lagu soo doortey .

War-saxaafadeed :

a) Waxaanu halkan ka cadeynaynaa haddii aanu nahay Qurbo-jooga ama Jaaliyaddaha dibadda ee Puntlnad in aan marnaba la aqbali karin ama aysan sharci ahayn wax ka bedelka dastuurka ama Axdi-qarameedkii ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiiyeen lagu dhisey DFS ee hadda jirta ilaa inta laga gaarayo Afti (doorasho cod) iyo wax ay heshiis ku yihiin dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel ay joogaanba, balse DFS ay u muuqato koox gaar ah oo lacago , balanqaadyo wasiir, Xilal iyo mansab kale ay ku bixin.

b) Sidoo kale waxaanu taageersan nahay go´aamaddii ay ka qaateen madaxda sare ee Dowladda Puntland sida Madaxweynaha Dowladda Puntland mudane Dr Cabdirahmaan Sh. Maxamed Faroole ee ahaa haddii Dastuurka wax laga bedelo ama in qodobo laga tirtiro Dowladda Puntland way ka fiirsan doontaa wadda shaqeynta DFS ee hadda jirta, sidoo kale khudbaddii uu Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha ka jeediyey furitaankii kalfadhigii 30-naad ee Barlamaanka Puntland ee ahaa in aysan marna ogolaan doonin Dowladda Puntland Dastuurka oo wax ka bedel lagu sameeyey ku dhaqankiisa.

c) Waxaan sidoo kale madaxda dowladda oo uu ugu horeeyo madaxweyne Xassan Sh. Maxamud u sheegaynaa in howlaha nabad ku soo celinta iyo xasillinta ee ay Muqdisho(xamar) ka fulin waayeen inaysan Goboladda Jubbaland iyo Goboladda kalaba aysan ka sameynayn balse colaado ka sii hurinayaan , ayagoo wefti heer Wasiir iyo Xildhibaano u dira kuwaas oo yiraahda maamul baanu u dhiseynaa iyo Gogol-nabadeed baan u dhigeynaa waa wax aan caqliga ummadda Soomaaliyeed galeyn. Tusaale magaalo madaxdii dalka Muqdisho oo uu madaxweyne Xassan Sh. fadhiyo ayaaney nabadi ka jirin oo maalin iyo habeen dadka lagu laayaa ayadoo weli hantidii ma guurtada ahayd ee ummadda Soomaaliyeed lagu hayso , isla markaas aan u magacaabin intii Dowladiisu jitey Guddiyo sameeya dib-u-heshiisiin, isu celinta hantida la kala haysto iyo kuwo iu sameeya maamul Dowli ah oo ay caasimadu yeelato dadkuna isku halayn karaan ama xasiloon taas oo hadda u muuqato magaalo beel keliya ay degan tahay oo aaney nabad la isku haleyn karo aaney ka jirin.

d) Hore waxaan u ogayn go´aanka diidmadda ahaa ee madaxda sare ku aadan Federalisamka iyo maamul Goboleedyadda kaas oo uu qeexayo Dastuurku ama Axdi-Qarameedka kaas oo ahaa kii lagu doortey madaxdaas, haddaba waxaa soo xoogeystay waqtiyadan danbe koox Wasiirro, Xildhibaano, Saraakiil, Aqoonyahanno, Ciyaartooy IWM oo ayagu hal-degaan ah oo hor boodaya Dowladda gacantana ku haya Shaqadeedii iyo wixii Soomaali ka dhaxeeyey tusaale ahaa shirkii ay ku qabteen Nairobi Xidhibaanno iyo aqoonyahanno ay ka mid yihiin Maxamuud Guure, Cabdulaahi Godax Barre , Yusuuf Garaad iyo kuwo kale oo howshoodu tahay inay la dagaalamaan habka Federalisamka ah ee Dastuurka qoran iyo wixii la mid ah.

e) Waxaan halkan ka cadeynayaa inuu ka been abuurey Avv. Cabdirahmaan Xoosh guud ahaan Beesha iyo Odayaasha Beesha Tanade ee Goboladda Jubbaland oo ayagu wax ka dhistey maamulka Jubbaland inuu warbixin uu u soo qorey Muqdisho ku yiri waxay ka mid yihiin beelaha diidan oo aan raaliga ka ahayn dhismaha Jubbaland asagoo sidoo kale mar labaad ku been abuurtey magacaabeyna Issimaddii iyo Odayaashii shirweynihii Jubbaland lagu dhisayey fadhiyey kuna qorey Boggiisa facebook inay diidan yihiin maamulka Jubbaland. Haddaba waxaan halkan ka cadeynayaa haddii aanu nahay Qurbo-joogta ama jaaliyada dibadda markii aanu xiriir la sameynay Isimaddi iyo Odayaashii beesha ee Jubbaland wax ka dhistey waxay noo sheegeen inuu ku been abuurtey meel uga dhacay wiilkoodiina uusan ahayn meel uu jooba inuusan Beesha matalin la iskana ilaaliyo, mida kale Avv. Xoosh, Xildhibaanadii iyo Wasiiradii la socotey.

Cabdikasim Maxamed Xassan (Dhagaweyne)

ku-xigeenka xafiiska Ergada Puntland ee UK

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles