Beledweyne(RBC Radio) Saraakiisha ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta saraakiisha ciidanka booliska gobolka Hiiraan gaarsiiyey deeq milateri oo ka timi madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Taliyaha ciidanka Jabuuti ee gobolka Hiiraan Cismaan Dubbad ayaa deeqda ku wareejiyey saraakiisha ugu saraysa ciidamada booliska Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan,deeqda ayaa ahayd dirays leh calaamad gaara oo lagu aqoonsanayo booliska.
Col. Cismaan Dubbad taliyaha ciidanka Jabuuti ee Hiil-walaal oo madasha ka hadlay ayaa ammmaanay kaalinta ay sugidda nabadgalyada magaalada Beledweyne ka qaateen ciidanka booliska Soomaaliyeed ee ku sugan magaaladaasi,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney sii wadi doonaan wada shaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin ciidanka Soomaaliyeed.
Cali dhuux Cabdi Mahad Alla taliyaha ciidanka booliska magaalada Beledweyne oo deeqdaasi ka gudoomay saraakiisha jabuuti ayaa uga mahad celiyey walaalaha Jabuuti hiilka ay mar walba la garab taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed,wuxuuna ku ammaanay kaalinta weyn ee ay ka qaateen sugidda amniga gobolka Hiiraan iyo horumarinta adeegyada gobolkaas.
Gudoomiyaha degmada Beledweyne ayaa amar kusiiyey ciidanka booliska magaalada Beledweyne ineysan iska dhigin dirayska leh calaamadda u gaarka ah ee uu ugu deeqay madaxweynaha Jabuuti,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney tallaabo ka qaadi doonaan ciddii aan u hogaansamin amarkaas.
Ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal ayaa Beledweyne ka wada ilaa markii ay gaareen dadaalo ay ku hormarinayaa horumarka iyo nabadda gobolka Hiiraan,shalay ayey ahayd markii Beledeweyne koob kubadda cagta ah oo loogu magac daray madaxweynaha Jabuuti kasoo soconaya ilaa 27-ka bishan June oo ku beegan markii ay Jabuuti ka xorowday gumeystihii Faransiiska sanadkii 1977-dii.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho