Boosaaso[RBC Radio] Kulan ballaaran oo ay maanta isugu yimaadeen Ganacsatada shidaalka kazoo waarida dalka Yemen ayaa maanta lagu qabtay gudaha magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Ujeedada ugu weyneyd ee kulanka ayaa ahayd sidii ganacsatadu uga dhaadhicin lahayd isla markaana ugu qancin lahayd in dib Xayiraada looga qaado Shidaalkii ay ka keeni jireen dalka Yemen oo ay horey Xukuumadda Puntland ugu dhawaaqday iney joojiisay.
Ugu horeyn kulan ayaa waxaa ka hadlay ganacsade Suudi Salaad Xiddig,wuxuuna faahfaahin dheer ka bixiyey sababaha lagu joojiyey shidaa;lka ay Yemen ka keeni jireen iyo baaq uu dawladda iyo Baarlamaanka Puntland u diray.
Wuxuu sheegay ganacsade Suudi Salaad Xiddig in maamulka kastamka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo Wasaarada Maaliyadda Puntland ay u sheegeen ganacsatada shidaalka in gebi ahaanba dekeda Boosaaso laga soo dejiin Karin shidaalka Yemen laga keeno isla markaana laga mamnuucay deegaanada Puntland.
….”””” 28 Janaayo ayaa waxa naloo sheegay in Madaxweynuhu soo saaray warqad anaga oo ay noo joogaan doonyo badan lana joojiyey shidaalka laga keenay YEMEN, intaas ka bacdi waxan la xiriirnay maamulka kastamka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo Wasaarada Maaliyadda waxayna noo sheegeen in la joojiyey shidaalkaas…..”””ayuu yiri.
Ganacsade Suudi Salaad Xiddig ayaa sheegay in ay u dacwoodeen Xukuumadda iyo Baarlamaanka Puntland balse ilaa hadda wax war ah aysan kazoo saarin marka laga reebo Baarlamaanku oo xoogaa ku ayiday cabashadooda balse intaas aan looga harine loogu daray ganaax lacageed.
………”””” Waxaan dacwo u tagnay magaalada Garoowe,waxaana la xiriirnay cid kasta oo arrintaasi khuseysay ilaa iyo heer Baarlamaan ilaa madaxweyne kuxigeenka, garowsho waan ka helnay Baarlamaanka,dad badan oo waxgarad ahna garowsho waan ka helnay al muhiim ilaa iyo iminkaas shaqadayadu waa xanibantahay mar labaad haddaan keenayna waxaa naloo sheegay inaan ku ganaaxanahay….””””ayuu yiri.
Guddoomiyaha Nabadadoonada gpbolka Bari Cabdiqaadir Ibraahim Xarago oo hadalo kooban kazoo jeediyey kulanka ayaa ugu baaqay dawladda Puntland in xayiraada ka qaado ganacsiga shidaalka haddii ay jiraan arrimo amniga wax u dhimaya oo dhanka shidaalka ahna sida ugu dhakhsiyaha badan bulshada ugu soo bandhigto.
Nabadoon Cabdiqaadir Xarago ayaa intaas ku daray in Shidaalka laga keeni jiray da;lka Yemen aysan ku tiirsaneyn Puntland balse Soomaaliweyn oo dhan ku tiirsanaayeen.
…….”””” Shidaalku wuxuu ahaa mid Puntland iska daaye Soomaali oo dhan dan u ah uu dhaqdhaqaaq badan ugu jirtay oo shaqo badan ugu jirtay ,oo horukac maahane dhibaato aan keeni Karin,…”””ayuu yiri Nabadoonku.
Fariinta Xukuumadda.
Wuxuu sheegay isagoo Xukuumadda la hadalay Nabadoonku ….”””” Waxaad moodaa in Xukuumadu dadey shaqo u abuurtee ay haddana weli caqabad ku tahay in kuwii shaqada haystay laga joojiyo arrintaas waxan leenahay Xukuumadda iyo Baarlamaankuba iney mowqif cad oo dadku ku qanci karaan oo waxa kani hadey danbi leedahayna danbiga miiska lasoo dhigo oo dadka ku qancino haddii ay tahayna waxaan danbi lahayna in la fasaxo…””ayuu yiri.
Si kastaba maahan markii ugu horeysay oo ganacasatada shidaalka ka keeni jirtay dalka Yemen cabasho ka keenaan shidaalka Xukuumadu Xayiraada ka saartay,waxaana lagu eedeynayaa dawladda in gacsato gaar ah u fasaxday ganacsigii bulshada ka dhaxeeyey.
___________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso