Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20208

Alshabaab oo sheegay iney duullaan ku yihiin deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Galguduud(RBC Radio) Alshabaab ayaa ku dhawaaqay iney duullaan ku yihiin deegaano  ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya,Sheekh Xuseen Fiidow oo ah madaxa siyaasadda iyo gobolada alshabaab oo hadal ka jeedinayey munaasabad shalay lagu qabtay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo shabaabku ay ku dhawaaqeen iney degmo u aqoonsadeen ayaa sheegay iney qorsheynayaan weerar ay ku qaadaan deegaanka Guriceel iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaas.

Xuseen Fiidow ayaa sheegay in dhalinayarada ku dhaqan deegaanada Galgaduud ee ay gacanta ku hayaan alshabaab looga baahan yahay iney ku taageeraan dagaalka ay ku qaadayaan deegaanka Guriceel,wuxuuna ka codsaday iney ku garab istaagaan dagaalkaas oo uu ku sheegay inuu yahay mid islaamka loogu gargaarayo sida uu hadalka u dhigay.

“waxaa la idinka doonayaan iney nagu garab siiyaan sidii aan Gaalada guriceel fadhida uga saari lahayn” ayuu yiri madaxa siyaasadda iyo gobolada alshabaab Sheekh Xuseen Fiidow.

Alshabaab oo laga saaray inta badan gobolada dalka Soomaaliya ayaa hore dagaalo dhowr ah ugu qaaday deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay ka mid tahay xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb iyo deegaanka Guriceel.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20208

Trending Articles