Jowhar(RBC Radio) Nabaddoonadii shalay lagu xirxiray gobolka Shabeelaha dhexe kadib markii lagu eedeeyey iney ka tirsan yihiin alshabaab ayaa ka hadlay eedaha loo jeediyey iyo xarigii uu maamulku kula kacay,Nabadoon Isxaaq Maxamuud oo ka mid ahaa Nabaddoono dhowr ah oo ay shalay xabsiga dhigeen ciidanka mamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in xarigga loo geystay uu ahaa caddaalad darro.
Nabaddoonka ayaa iska fogeeyey eedaha uu maamulku usoo jeediyey ee ku saabsan iney ka tirsan yihiin isla markaane ay taageersan yihiin Fikirka alshabaab,wuxuuna tilmaamay in iyagu ay yihiin dad la dulmay oo la doonayo in la dhoco Maalkooda,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney u dhiman doonaan difaaca hantidooda oo uu sheegay iney kusoo duuleen dad meela kale ka yimi.
Nabadoonka ayaa maamulka ku eedeeyey inuu la safan yahay mid kamid ah beelaha dagaalamaya oo ay u taageerayaan hayb ahaan sida uu sheegay,wuxuuna sheegay in dagaalku uu ka danbeeyey kadib markii sida uu sheegay la isku dayey in la boobo beero ay leeyihiin,kuwaas oo ay ka dhaxleen awoowayaashood.
Wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney dagaal diyaar u yihiin hadii aan laga dayn dulmiga iyo boobka lagu hayo”Beerta aan anigu leeyahay Ninkii u dhaha anaa leh waan la dagaalaayaa,waxaanna diyaar u ahay inaan ku dhinto” ayuu yiri Nabadoon Isxaaq Maxamuud.
Nabadoonka ayaa sheegay inuu digniin u dirayo masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ,wuxuuna tilmaamay iney dagaal kala hor imaan doonaan hadii aysan joojin dadka dulmiga wada ee ay daba kasoo riixayaan,” waxaan dhaar ku marayaa hadii uusan maamulku ka waantoobin dagaalka uu nagu hayo waxaan diyaar u nahay inaan ugu galno xarunta maamulka” ayuu yiri Nabaddoon Isxaaq.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho