Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Galmudug oo soo dhaweysay baaqii maamulka Ximan iyo Xeeb ee la xiriiray Mideynta maamulada gobolada dhexe

$
0
0

Gaalkacyo(RBC Radio) Maamulka Galmudug ayaa soon dhaweeyey baaqii kasoo baxay masuuliyiinya cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb kuwaas oo ku dhawaaqay in magaalada Cadaado ay  dhigayaan gobol nabadeed oo ay iskugu keenayaan dhammaan bulshada ku wada dhaqan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya si ay isku meel dhigaan dhisidda maamul ay ku mideysan yihiin.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga maamulka Galmudug Cali Amiin ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu si weyn usoo dhaweynayo soo jeedinta madaxweynaha cusub ee maamulka Ximan iyo xeeb C/llaahi Maxamed Cali oo sheegay in maamulkiisa uu gogol nabadeed u fidinayo bulshada gobolada dhexe.

Cali Amiin wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Galmudug ayaa daboolka ka qaaday in arintaasi ay muhim u wada tahay dhammaan bulshada ku wada nool goboladaas,wuxuuna tilmaamay in maamulka Galmudug uu soo dhawaynayo tallaabadaas.

Wuxuuna intaa ku daray iney lagama maarmaan tahay mideynta maamulada kala duwan ee ka kala dhisan degmooyinka gobolada dhexe,wuxuuna ku booriyey qaybaha kale ee ku dhaqan goboladaas iney taageeraan baaqa kasoo baxay maamulka Ximan iyo Xeeb.

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa madashii lagu doortay kaga dhawaaqay inuu gogol nabadeed Cadaado u dhigayo dhammaan maamulada kala gadisan ee ka jira gobolada dhexe ee Soomaaliya si ay u samaystaan maamul ay ku mideysan yihiin.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles