Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Sh/dhexe oo sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay gobolkaas uusan dhexmarin labo maleyshiyo Beeleed

$
0
0

Jowhar(RBC Radio) Maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa dagaalkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ku eedeeyey inuu u dhexeeyey dad shacab xoolo dhaqato ah   iyo koox uu maamulku ku sheegay iney tahay argagixiso dooneysa dhibaateynta shacabka,afhayeenka maamulka gobolka Shabeelaha dhexe Daa’uud Xaaji Cirro ayaa ka dhawaajiyey arintaasi.

Daa’uud Xaaji ayaa sheegay in markii maamulku uu dhexgalay arinkaas ay ogaadeen in dagaalada ay hurinayaan kooxo uu ku sheegay iney yihiin argagixiso ka tirsan alshabaab,wuxuuna hoosta ka xariiqay ineysan aqbali doono in shacabka ay masuulka ka yihiin iney  dhibaateyso kooxda uu ku tilmaamay argagixisada alshabaab sida uu sheegay,wuxuuna intaa ku daray iney tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa lagu eedeeyey inuu la saftay mid kamid ah beelihii ku dagaalamay gobolkaas,afhayeeka oo arintaasi wax laga weydiiyey ayaa sheegay in warkaasi uu yahay waxba kama jiraan,wuxuuna meesha ka saaray iney jiraan labo Maleyshiyo beeleed oo  dagaalamay,isagoona ku adkaystay in dagaalku uu dhexmaray koox ka tirsan alshabaab iyo dad shacab xoolo dhaqato ah.

Afhayeenka Shabeelaha dhexe oo mar kale wax laga weydiiyey waxa ka jira iney xabsiga dhigeen nabaddoonnada mid kamid ah beelaha dagaalamay ayaa  tilmaamay in arintaasi ay jirto balse ay dib usii daayeen isla markaane ay kala hadleen sidii xiisadda loo qaboojin lahaa.

Wuxuuna tibaaxay in nabaddoonnada ay xushmad weyn u hayaan isla markaane ay ka fogaanayaan wax walba oo wax u dhimaya maqaamkooda iyo sharaftooda,maamulka ayaa xabsiga dhigay qaar kamid ah nabaddoonnada mid kamid ah beelaha dagaalamay oo ay ku eedeeyeen iney ka tirsan yihiin alshabaab.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles