Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Soomaaliland oo sheegay inuu ku hawlan yahay wax ka qabashada dhibaatooyinka Tahriibka

$
0
0

Hargeysa(RBC Radio) Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay iney wax badan ka qabanayaan dhibaatooyinka Tahriibka oo fara ba’an ku haya guud ahaan bulshada Soomaaliyeed,Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah wasiirka madaxtooyada maamulka Soomaaliland ayaa sheegay iney wadaan qorshayaal ay ku doonayaan iney kaga hortagaan Tahriibka.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa tilmaamay in Tahriibku uu yahay Aafo weyn oo dhibaato baaxad leh ku haysa bulshada,wuxuuna tibaaxay  in badi dhalintii ku noolaa deegaanada maamulka Soomaaliland ay dhulkii ka hayaameen ,una boqooleen sidii ay ku gaari lahaayeen wadamada Yurub iyo Maraykanka iyaga oo naftooda qatar galinaya.

Wasiirka madaxtooyada Soomaaliland ayaa sheegay in dhalinayarada ay tahriibka ku qasbeen dhowr arimood oo isbiirsaday,wuxuuna tilmaamay in midda ugu horeysay ay tahay shaqo la’aanta haysata bulshada gaar ahaan dhalinyarada,wuxuuna dhanka kale ka dhawaajiyey iney jiraan dad Mucaarad ku ah maamulka Soomaaliland oo dhalinta ku dhiirigaliya tahriibka sida uu sheegay.

Wuxuuna ugu yeeray kooxo uu ku tilmaamay iney tahriibka dhiirigalinayaan iyaga oo isleh ku Mucaarada maamulka jira iney ka waantoobaan arintaas,isla markaane ay dowladda kala shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa tahriibka.

“waxaa jira dad isleh dowladda ku xanuunjiya halkaa bukta,waxaan leeyahay meesha bugta bulshada ayey xanuunaysaayee nala daaweeya”ayuu yiri wasiirka madaxtooyada maamulka Soomaaliland,wuxuuna ballan qaaday iney si deg deg ah wax uga qaban doonaan dhibaatada tahriibka dhalintane ay u samayn doonaan Mashaariic shaqo abuur si ay uga baaqsadaan iney naftooda haligaan una bareeraan dhibaatada tahriibka.

 

 

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles