Boosaaso[RBC Radio] Beesha Cumar Cali- Cali Saleebaan ayaa go’aan kazoo saartay cidda iska leh Hotel Guul oo kamid ah Hoteelada kuyaala magaaladda Boosaaso taasoo markii hore la sheegay in uu Iibsaday Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Faarax Cali Jaamac.
Go’aanka ay beeshu kazoo saartay magaaladda Boosaaso ayey ku sheegtay in Maxamed Cilmi Cabdalle uu baahiyey dacaayado shaqsiyadeed iyo mid siyaasadeed oo ku saabsan Hotel Guul, isagoona sheegay bey yiraahdeen in Hotelka uu leeyahay Wasiirka Maaliyadda Puntland.
Waxay sidoo kale ku sheegeen beeshu go’aankooda in Maxamed Cilmi Cabdalle uu dacaayad ku furay Suldaan Bashiir Muuse Koonte ,kaas oo sheegaya in Suldaanku si hoose uga Iibsaday Hotelka agoonta ilma Salaad Guul .
Dhamaan eedahaas ayey beeshu xustay iney yihiin been abuur looguna talagalay in lagu waxyeeleeyo sumcada iyo shaqsiyada Mas’uuliyiinta beesha sida Suldaan Bashiir Muuse Koonte iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland Faarax Cali Jaamac.
Haddaba waa kan Go’aanka Beesha kazoo baxay oo nuqul kamid ah soo gaaray Raxanreeb
______________________
RBC Radio
Boosaaso