Maxaa Xoosh loo xagxaganayaa?
Mursal Geeldoon
Geeldooniya@Gmail.com
Juunyo 15 2013
Cabdiraxmaan Xoosh oo hadda xildhibaan ah waxaa loo arkaa ninka aad loogu neceb yahay Buntland marka aad aqrisid websaytyada qaarkood. Sanad ka hor wuxuu ahaa Wasiirkii Dastuurka oo wuxuu siyaasad ahaan ku sidkanaa Buntland. Markii ra’iisal wasaare Cabdiweli uu xilka wareejiyay kana tagay kursigisii xildhibaannimada, Xoosh Muqdisho wuxuu ku noqday keligiis. Nin Damul-Jadiid isu dhowaayeenna ma ahayn.
Waxay isaga iyo Buntland kala xiriir furteen markii Cabdiweli Gaas uu dhaliilo u soo jeediyay hooggaanka Buntland.
Buntland way iska illowday xildhibaannadeedii oo waxay fileysay in dadka Xamar ka jooga yihiin la-haystayaal. Waa run. Ma qof aan reer Buntland ahayn baa siyaasad ka horjeedda Buntland ka fidin kara Garoowe, Qardho, Boosaaso ama magaalooyinka Buntland maamusho? Ma qof ka horjeeda goosashada ayaa midnimo u ololeyn kara isaga oo jooga Hargeysa? Haddii jawaabaha labada su’aalood yihiin ‘maya’ maxaa loogu dudayaa Xoosh?.
Weli Soomali may heshiinnin, Xildhibaannada Buntland kuna sugan Xamar waxay ku jiraan halis badan, ma aha sida kuwa jooga Garoowe iyo magaalooyinka kale ee Buntland.
Immisa reer Buntland baa la shaqeeya dowladda? Waa su’aal u taalla dadka sida indha la’aanta ah u taageera Buntland. Jawaabta booskaar (post card) ku soo dir.
=================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM