Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Jaamacada Soomaaliya iyo Jaamacada Jomo Kenyatta oo ka wada hadlay Iskaashi dhexmara

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Xaflad ay iskaashi ku samaysteen Jaamacada lagu magacaabo Soomaaliya oo ku taalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo jaamacada Jomo Kenyatta oo ku taalla gudaha dalka Kenya ayaa maanta ka dhacday xarunta Jaamacadda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ay horkacayaan Maamulaha  aamacadda Jomo Kenyatta iyo ku xigeenkiisa oo Muqdisho soo gaaray ayaa maanta  kormeer ku tagay dhowr xarumood oo ay jaamacadda Soomaaliya ay ku leedahay gudaha magaaladda Muqdisho iyagoona qeyb qeyb u booqday dhammaan qeybaha jaamacadda ay ka koobantahay iyo sida ay ardayda ay wax uga bartaan Jaamacada.

Masuuliyiinta labada Jaamacadood ayaa isku afgartay in Jaamacaduhu ay samaystaan Iskaashi dhanka waxbarashada ah, Gudoomiye ku xigeenka jaamacadda Jomo Kenyatta Prof Romanas Odiamo oo ah maamule ku xigeenka Jaamacadda Jomo Kenyatta oo hadlay ayaa  tilmaamay in kulanka ay maanta Muqdisho kula yeesheen madaxda Jaamacadda Soomaaliya inuu ahaa mid u leh ahmiyad gaara,wuxuuna sheegay  iney dhankooda ku faraxsan yihiin Iskaashiga ay samaysteen labada Jaamacadood.

Maxamed C/wali Sheekh Yuusuf Gudoomiyaha jaamacadda Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa u ballan qaaday ardayda wax kabarta Jaamacadda Soomaaliye in masuuliyiinta Jaamacddu ay albaab walba u garaaci lahaayeen sidii ay ardaydu u heli lahaayeen waxbarasho Tayeysan.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles