London(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska R/wasaaraha dalkaas David Cameron,labada masuul ayaa ka wada hadlay cilaaqaadka labada dal iyo sidii ay dowladda UK u taageeri lahayd dowladda federaalka Soomaaliya oo dadaal ugu jirta sidii ay usoo noolayn lahayd qaranimadii Soomaaliya.
Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed Cabdi Maalik Cabdalla oo la hadlayey idaacadda dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmay R/wasaaraha Ingiriiska David,Cameron,wuxuuna intaa ku daray in madaxweynuhu uu sidoo kale ka qaybgalay xaflad ay dhigtay Boqoradda dalka Ingiriiska halkaasne uu kula kulmay madaxdii kasoo qaybgashay oo uu kala hadlay arimaha Soomaaliya sida uu sheegay agaasimaha madaxtooyada.
Cabdi Maalik ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qaybgali doono shir ka dhacaya magaalada London shirkaas oo sida uu tilmaamay uu ka jeedin doono Qudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu kaga warbixinayo dadaalka dowladda,waxyaabaha u qabsoomay,sidii Maalgashi loogu samaysan lahaa Soomaaliya iyo sidii caalamku uu u garab qaban lahaa Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doona madaxda ka qaybgalaya shirka wadamada G8-ka,madaxweynaha dalka Xasan Sheekh ayaa London u tagay ka qaybgalka Shirka wadamada G8 oo markii ugu horeysay Soomaaliya lagu casuumay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho