Image may be NSFW.
Clik here to view.Garowe [RBC Radio]Magaaladda Garowe ee xarunta Puntland waxaa maantey ka furmey kalfadhigii 30-aad ee golaha wakiilada Puntland.
Kalfadhiga waxaa soo xaadirey illaa 48 mudane oo ka tirsan aqalka wakiilada Puntland waxana ku waheliyey hoolka shirarka baarlamaanka ee Garowe xubno kasocdey wasiirada xukuumada Puntland,saraakil ka tirsan ciidamada Puntland iyo marti sharef lugu casumey furitaanka kulanka baarlamaanka.
Arrimaha ay dahfurka kalfadhiga baarlamaanka horyaaley ayaa waxaa ka mid ahaa xisaab celinta miisaaniyada ,maxkamada dastuuriga ,ansixinta gobolka Guardafu ,degmooyinka cusub iyo wixii xeerar ah oo xukuumadda u soo gudbiso golaha inta fadhigoodu socdo.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka madaxtinimada Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta si rasmi ah u furey kalfadhiga 30-aad ee golaha wakiilada Puntland waxana hadal uu u jeediyey kusoo qaadey arrimo dhor ah oo ay kim ahayeen amniga deegaanada Puntland,arrimaha Dimoqraadiyada Puntland iyo siyaasada dowladda federaalka .
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa khudbadisa kaga warbixiyey ammaanka Puntland waxana uu tilmaamey in amniga xiligaan Puntland uu yahay mid ad u wanagsan isla markana la isku haleen karo walow sida uu sheegey ay jiraan dhacdooyin iska yar yar oo mararka qar dhaca,waxana uu dar daaran u direy ciidamada ammaanka Puntland isagona u sheegey inay marwalba indho dheer isaga egaan kooxo u ku sheegey argagixiso.
Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa soo hadal qadey arrimaha dimoqraadiyada Puntland waxana uu caddeyey in xiligaan meel wanagsan ay wax marsiinayaan islamarkana waxuu rajo ka muujiyey in Puntland doorasho xor ah ay ka qabsoomi doonto sida uu timaamey 15 July,2013.
”Meel wanagsan ayey xiligaan marayaan arrimihi dimoqaraadiyada Puntland axaan ku kalsoonahay in doorashooyinkaasi si nabad ah u dhici doonaan ,anagoo diyaar u ah balanna qaadayna in hadi nalaga guulaysto aanu ku wareejino talada dalka xisbigii ku guulaysta’‘ayuu ku sheegey hadalkisa.
Gudoomiyaha Barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirisi ayaa hadal kooban dhinacisa jeediyey furitaanka kalfadhiga baarlamaanka waxana uu kaga hadley golaha waxyaabihii ay meel-mariyeen kalfadhigii 29-aad.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
RBC Radio