Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Puntland oo sheegtey inaysan ogalaan doonin ku dhaqanka dastuur wax kabadal lugu sameeyey (Dhagayso)

$
0
0
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland  Gen,Cabdisamed Cali Shire

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Gen,Cabdisamed Cali Shire

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

Garowe [RBC Radio]Maamulka Puntland ee Soomaaliyed waxaa uu caddeyey inuusan aqbali doonin inay aqbalaan dastuur la gacmo-gacmeeyey islamarkana wax ka bedel lagu sameeyey.
Hadalkaan waxaa jeediyey madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Puntland Jen Cabdisamed Cali Shire kadib xili uu furayey kalfadhiga 30-aad ee baarlamaanka Puntland oo maantey ka furmey magaaladda Garowe ee xarunta Puntland,waxaa uu sheegey madaxweyne ku-xigeenku in dastuurka xiligaan la doonayo in dalka lugu dhaqo uu yahay mid waxbadan laga bedeley kaasoo uu sheegay in la hareer marsiiyey wadaddii saxda ahayd ee la isku ogaa sida uu hadalka u dhigay.

“Waa wax laga xumaado in dowladda fadareelka iyadoo jirta muddo sanad ka yar in durba laga tirsado khaladaad iyadoo ay intaa dheertahay in markii la isku dayo in lala hadlona aan garawshiiyo laga helin dowladda, waxaa meesha laga tuurey oo aan lugu dhaqmeen xiligaan dastuurkii dalka ee lagu heshiiyay waxaana badalkiisa la galiyey mid lasoo qarey taasna ma aha mid ay aqbalayso Puntland mana raaci doono” waxaa intaa ku soo qadey hadalkisa madxaweyne ku-xigeenka Puntland.

Sidoo kale Jen Cabdisamed Cali Shire waxuu khudbadisa kusoo qaadey arrimaha federaalka waxana uu tilmaamey in xiligaan aan loo dhaqan galin qodobka federaalka sidii loo baana,waxaana uu si weyn u taageeray maamulka Jubbaland kaaso u sheegey inuu ku dhisan yahay sifo sharci ah uuna ku dhismeey rabitaanka shacabka goboladaasi, waxana uu kula dardaarmey in shacabka iyo maamulka Jubbaland ay adkeeyaan midnimadooda iyo jiritaankooda.

“Waxa uu farayaa dastuurku in dadku samaysan karaan maamul u gaar ah laba gobol iyo wixii ka badan ,waxa nasiib daro ah in dowladda fedaralka dagaal kala hortagto Jubbaland iyo shacabkeeda,waxan kula dardarmayaa dadka gobolada kasoo jeeda inay adkeystaan midnimadooda ayna u istaaan sidii ay aayahoda ugu tashan lahaayen”ayuu ku yii hadalkiisa madaxweyne ku-xigeenku.

Jen Cabdisamed Cali Shire waxuu dowladda fedaraalka ugu baaqey inay taageerto shacabka Jubbaland ayna ka qaadato hormarka gobolada ka socdo doorkeda dowladnimo.

Puntland waxay marar badan mugdi galisey in dastuurka xiligaan dowladda fedaraalku ay doonayso inay dhaqan galiso inuu yahay mid an aheyn kii lugu hishiiyey in dalka laga dhaqan galiyo islamarkana uu yahay mid waxka badal lugu sameeyey.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Halkaan gujji si ad u dhageysato khudbadi Gen,Cabdisamed Cali Shire

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles