Jowhar(RBC Radio) Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku waramaya in duleedka degmadaas uu maanta ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Maleyshiyo beeleed,wararka ayaa tilmaamay in ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku baxay dhacdo saaka lagu dilay dad rayid ah ay jidka u galeen koox hubeysan oo la sheegay iney ahayd kuwii dadka xoolo dhaqatada ahaa Saaka ku dilay deegaanka Kaliga Weeydow ee duleedka magaalada Jowhar.
Afhayeenka maamulka gobolka Shabeelaha dhexe Daa’uud Xaaji Cirro ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dagaal ka dhacay deegaanka Timire oo qiyaastii 6-KM Jowhar ka xiga duleedka Waqooyi,afhayeenka ayaa sheegay iney halkaa ay ku dagaalameen ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya iyo koox uu ku tilmaamay iney ahaayeen alshabaab.
Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay iney is fara saareen ciidanka dowladda Soomaaliya oo ka ambabaxay magaalada Jowhar isla markaane ku baxay dhacdada lagu dilay dadka xoolo dhaqatada ah,balse wuxuu tilmaamay in ciidamada ay jidka u galeen koox uu ku tilmaamay argagixiso,kuwaas oo uu ku eedeeyey masuuliyadda gumaadka loo geystay dadka rayidka ahaa ee lagu dilay duleedka Jowhar.
Afhayeenka maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegtay in dagaalkaas ay khasaaro fara badan ku gaarsiiyeen kooxdii weerarka gaadmada ah kusoo qaaday ciidanka milateriga dowladda Soomaaliya,masuulkane ka ahaa dilka dadka rayidka ah,wuxuuna intaa ku daray iney goobta ka eryeen kooxdii dhibaatada u geysatay dadka rayidka ah sida uu hadalka u dhigay.
Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegay iney halkaa ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay dilka dad rayid ah kuwaas oo 4 kamid ah ay goobta ku dhinteen,waxaana lasoo sheegayaa iney dhimashadu kor usii kacday kadib markii 2 ruux oo kale ay dhaawacyadii soo gaaray u dhinteen.
Dhanka kale C/raxmaan Axmed oo ka mid ah nabaddoonada sida weyn looga yaqaano gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ka tacsiyeeyey dadka rayidka ah ee lagu dilay duleedka Jowhar,wuxuuna baaq u diray beelaha ay dirirtu u dhaxayso,wuxuuna dhanka kale tilmaamay iney ku hawlan yihiin qaboojinta xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Jowhar iyo deegaanada hoos yimaada.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho