Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20208

R/wasaarihii hore ee dalka Norway Mogne Mondevic oo Muqdisho soo gaaray,kulamane la qaatay madaxda ugu saraysa dalka(Sawirro)

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Muqdisho(RBC Radio) R/wasaarihii hore ee dalka Norway Mogne Mondevic oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa kulamo goonni  goonni ah la yeeshay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxweynaha dalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.

Mogne Mondevic ayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya kulan kula qaatay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxweynaha Maxamed Sh Cismaan Jawaari,markii uu soo dhammaaday kulanka labada masuul ayey warbaahinta si wadajir ah uga warameen waxyaabihii ay ka wadahadleen.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay iney ka wada hadleen waxyaabo howr ah oo ay ka mid ahaayeen in Norway ay baarlamaanka ka taageerto sidii uu u meelmarin lahaa habka ku dhaqan  Federaaliisimka dalka iyo arimo kale oo uu tilmaamay iney iyagu horaan ka codsadeen markii ay safarka ku tageen wadanka Norway.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxweynaha dalka ayaa tilmaamay in booqashada R/wasaarihii hore ee dalka Norway Mr Mogne Mondevic ay muujineyso guusha siyaasadeen ee ay ku tallaabsatay dowladda federaalka Soomaaliya.

R/wasaarihii hore ee dalka Norway Mogne Mondevic ayaa dhankiisa tibaaxay in xarunta uu madaxda ka yahay ee Nabadda,Horumarinta iyo Xuquuqul Iinsaanka ay xafiis ka furan doonto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ai ay baarlamaanka uga taageeraan arimaha farsamada ee ay u baahan yihiin.

Mogne Mondevic ayaa intaa kadib kulan kula qaatay xafiiskiisa R/wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid,R/wasaaraha a ayaa sheegay iney kulankooda ku lafa gureen sidii dalka Norway uu kaalin buuxda uga qaadan lahaa horumarinta iyo xasilinta Soomaaliya.

Jowhar(RBC Radio) Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku waramaya in duleedka degmadaas uu maanta ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Maleyshiyo beeleed,wararka ayaa tilmaamay in ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku baxay dhacdo saaka lagu dilay dad rayid ah ay jidka u galeen koox hubeysan oo la sheegay iney ahayd kuwii dadka xoolo dhaqatada ahaa Saaka ku dilay deegaanka Kaliga Weeydow ee duleedka magaalada Jowhar.

Afhayeenka maamulka gobolka Shabeelaha dhexe Daa’uud Xaaji Cirro ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dagaal ka dhacay deegaanka Timire oo qiyaastii 6-KM Jowhar ka xiga duleedka Waqooyi,afhayeenka ayaa sheegay iney halkaa ay  ku dagaalameen ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya iyo koox uu ku tilmaamay iney ahaayeen alshabaab.

Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay iney is fara saareen ciidanka dowladda Soomaaliya oo ka ambabaxay magaalada Jowhar isla markaane ku baxay dhacdada lagu dilay dadka xoolo dhaqatada ah,balse wuxuu tilmaamay in ciidamada ay jidka u galeen koox uu ku tilmaamay argagixiso,kuwaas oo uu ku eedeeyey masuuliyadda gumaadka loo geystay dadka rayidka ahaa ee lagu dilay duleedka Jowhar.

Afhayeenka maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegtay in dagaalkaas ay khasaaro fara badan ku gaarsiiyeen kooxdii weerarka gaadmada ah kusoo qaaday ciidanka milateriga dowladda Soomaaliya,masuulkane ka ahaa dilka dadka rayidka ah,wuxuuna intaa ku daray iney goobta ka eryeen kooxdii dhibaatada u geysatay dadka rayidka ah sida uu hadalka u dhigay.

Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegay iney halkaa  ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay dilka dad rayid ah kuwaas oo 4 kamid ah ay goobta ku dhinteen,waxaana lasoo sheegayaa iney dhimashadu kor usii kacday kadib markii 2 ruux oo kale ay dhaawacyadii soo gaaray u dhinteen.

C/raxmaan Axmed oo ka mid ah nabaddoonada sida weyn looga yaqaano gobolka Shabeelaha dhexe  ayaa ka tacsiyeeyey dadka rayidka ah ee lagu dilay duleedka Jowhar,wuxuuna baaq u diray beelaha ay dirirtu u dhaxayso,wuxuuna dhanka kale tilmaamay iney ku hawlan yihiin qaboojinta xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Jowhar iyo deegaanada hoos yimaada.

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Image may be NSFW.
Clik here to view.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20208

Trending Articles