Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka arimaha gudaha xukuuumada Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa ka warbixiyey shir ay lahaayeen wasiirada arimaha gudaha wadamada jaamacada carabta oo lagu qabtay magaalada Riyaad ee caasimada boqortooyada Sucuudi carabiya wasiirka ayaa sheegay in shirkaas lagu falaqeeyey arimo dhowr ah oo ka taaagan wadamada carbeed.
Wasiirka ayaa sheegay in shirkaas ay kasoo bexeen go’aanno muhiim ah wuxuuna tilmaamay in diirada la saaray sidii looga hortagi lahaa falalka argagixisanimo ee kasoo ifbaxay wadamo badan oo carbeed C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shaaca ka qaaday in wasiirada Jaamacada Carabta ay isku raaceen in dalka Soomaaliya gacan weyn laga siiyo sidii ay ula dagaalami lahaayeen falalka argagixisada iyo burcadbadeednimada ka jira gudaha Soomaaliya.
Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay iney xiriiro iyo wada hadalo badan la sameeyeen madaxdii carbeed ee shirka kasoo qayb galay wuxuuna hoosta ka xariiqay iney ka heleen ballan qaadyo fara badan oo ku saabsan sidii Soomaaliya loo garab istaagi lahaa isla markaane looga qayb qaadan lahaa soo celinta sharcigii iyo kala danbeyntii dalka Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka oo soo maray 22 sano oo dagaal sokeeye ah.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dhamaan madaxdii ay la kulmeen ay si weyn usoo dhaweeyeen marxalada cusub ee ay gashay Soomaaliya iyagoona sida uu sheegay rajo wanaagsan ka muujiyey ifafaalaha nabadeed ee ka curtay dalka Soomaaliya,wuxuuna intaa raaciyey in wadamada JAamacada Carabta ay ka go’antahay taageerida walaalohooda Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho