Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa mar kale ku baaqay in shacabka magaalada Muqdisho ay banneeyaan goobaha danta guud oo ay hada ku nool yihiin dad danyar ah si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Cali Axmed Guure ayaa ka dhawaajiyey in xiligan bulshada reer Muqdisho looga baahan yahay faarujinta goobaha danta guud sida xarumaha wasaaradaha,dugsiyada waxbarashada,Cisbitaalada, iyo xeryaha ciidamada oo 22-kii sano ahaa goobo isu bedelay xaafado ay dad shacab ah ku nool yihiin.
Cali Axmed Guure ayaa tibaaxay iney lagama maar maan tahay faarujinta goobaha danta guud ee bulshada ka wada dhexeeya si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna markale ka codsaday dadka wali ku harsan goobaha danta guud iney uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan.
Maamaamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka wada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya dadaalo dib loogu soo nooleynayo adeegyadii danta guud,waxaana hore looga saaray dadkii ku noolaa goobo badan oo dan guud ahaa.
Magaalada Muqdisho ayaa xiligan samaynaysay horumar si xawli ah ku socda waxaana maalin walba soo gaara qurba joogta Soomaaliyeed oo magaalada ka hirgalinaya mashaariic horumarineed iyo dhismayaal casri ah waxaana middaas barbar socda dib u dhiska ay dowlada Soomaaliya ku dayactireyso xarumihii dowlada ee ku burburay dagaaladii sokeeye.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho