Galgaduud(RBC Radio) Gudoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud Axmed Yuusuf Xasan Ciyow ayaa sheegay in la xaliyey gacan ka hadal 2 beelood oo walaalaha ah ku dhexmaray tuulada Isma-dhaqa oo ku taala soodinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya gudoomiyaha ayaa sheegay in maalmihii danbe wafti uu hogaaminayo ay halkaas u joogeen soo afjarida colaada ka dhex oogneed 2 beelood ee walaalaha ah.
Gudoomoiye Ciyow ayaa sheegay in hada beelaha la kala dhex dhigay heshiis horu dhac ah wuxuuna tilmaamay in maalinta Talaadada ah la qaban doono kulan ballaaran oo lagu dhamaynayo gacan ka hadalka dhexmaray 2-da beelood kaasoo ay ka wada qaybgali doonaan waxgaradka beelaha dagaalamay iyo maamulka gobolka Galgaduud oo gar wadeen ka ah heshiisiinta beelaha dagaalku dhexmaray.
Axmeed Yuusuf Xasan Ciyow gudoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa tibaaxay in maamulka gobolku uu ka shaqeynayo sidii beelaha walaalaha ah ee ku wada dhaqan gobolka ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen,wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyey ahlu sunna waljamaaca iyo waxgaradka kasoo kala jeeda beelaha dagaalamay oo gacan weyn ka geystay heshiisiinta dhalinyaradii ku dagaalantay Tuulada Isma-dhaqa ee gobolka Galgaduud.
Dagaalka ka dhacay Isma-dhaqa ayaa salka ku hayey Baraago Biyood ay ku murmeen 2-da beelood lahaanshahooda ayaa waxaa ka dhacay tuulada dagaal geystay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada ku dagaalamay deegaankaas.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho