Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Soomaaliland oo sii kulul uga horyimi in Xafiiska Q/M ee Soomaaliya UNSOM laga Furo deegaanada Soomaaliland

$
0
0

 

Hargeysa(RBC Radio) Maamulka Soomaaliland ayaa si kulul uga horyimi qorshe uu waday ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xafiiska Kaalmada Soomaaliye ee  UNSOM Nicholas  Kay oo shalay gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Soomaaliland.

Mr Kay ayaa magaalada Hargeysa kula kulmay  madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Nicholas Kay ayaa madaxweyne Siilaanyo kala hadlay qorshe ay Qaramada Midoobay ku dooneyso iney laan ka mid ah xafiiska UNSOM ay uga furto magaalada Hargeysa.

Markii uu soo dhammaaday  kulanka  labada masuul ayaa waxaa warbaahinta uga waramay waxyaabihii kulanka looga wada hadlay wasiirka arimaha dibadda maamulka Soomaaliland Maxamed C/llaahi Cumar,wuxuuna sheegay in masuuliyiinta maamulka Soomaaliland ay go’aan ka qaateen in xafiiska UNSOM laga furay deegaanada maamulka Soomaaliland.

“Waxaan u sheegnay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya inaan go’aan ku gaarnay in Xafiiska uu hogaanka u yahay aan halkan laga furi karin” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda maamulka Soomaaliland Maxamed C/llaahi Cumar.

Wasiirka ayaa ka dhawaajiyey iney Mr Kay u sheegeen in arintaasi ay dhaawacayso qaranimada Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay” Soomaaliland waa dal ka madax bannaan Soomaaliya,arintani waxay ka hor imaanee dastuurka iyo qaranimada dhulkeenna,hawsha xafiiskaasine maaha mid quseysa Soomaaliland” ayuu intaa ku daray wasiirka arimaha dibadda Soomaaliland.

Dhanka kale wasiirka ayaa tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo iyo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ay ka wada hadleen go’aankii ay Soomaaliland ku joojisay Duullimaadyada diyaaradaha Qaramada Midoobay kadib markii Soomaaliland ay ka carootay tallaabadii Qaramada Midoobay ay dowlada Soomaaliya ugu wareejisay maamulka hawada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa tibaaxay iney ergayga u sheegeen iney wali ku taagan yihiin go’aankii ay ku mamnuuceen Duullimaadka diyaaradaha shaqaalaha Qaramada Midoobay ee deegaanada uu ka arimiyo maamulka Soomaaliland,Maxamed C/llaahi Cumar ayaa sheegay in maamulkoodu uu ogolaaday iney fasaxaan diyaaradaha Qaramada Midoobay ee wada gargaarka caafimaad sida tallaalka iyo wax walba oo ay dani ugu jirto bulshada Soomaaliland sida uu hadalka u yiri.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles