Muqdisho(RBC Radio) Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saaka hawlgalo ballaaran ka wada xaafado ka tirsan degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar Weye ciidamada ayaa saaka aroortii hore ku jarmaaday xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmooyinka X/weyne iyo X/jajab,ciidamada ayaa baaritaano ku samaynaya guryaha xaafadahaas.
Ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa booliska ayaa saaka xiray inta badan wadooyinka mara gudaha degmooyinka ay hawlgalka ka wadaan,ciidamada ayaa qabqabanaya dhalinyarada ay uga shakiyaan iney ka tirsan yihiin ururka alshabaab ee dagaalka kula jira dowlada Soomaaliya,ciidamada ayaa ilaa hada gacanta ku dhigay dad fara badan oo aan ilaa hada la ogeyn tiradooda rasmiga ah.
Ciidamada hawlgalka wada ayaa saaka la arkayaa iyaga oo si ka duwan siyaabihii hore ee ay hawlgalada u samayn jireen ciidamada ayaa saaka dadka kala dagaya gaadiidka dadweynaha ee maraya wadooyinka xaafadaha qaar ee degmooyinka X/jajab iyo X/weyne.
Hawlgalka ciidamada ayaa salka ku haya iney soo qabtaan dhalinyaro ay sheegeen saraakiisha dowladu iney ka tirsan yihiin alshabaab kuwaas oo ay ku eedeeyeen falalka amniga ka dhanka ah ee ka dhaca Muqdisho.
Ciidamada dowlada ayaa maalmihii danbe hawlgalo aan kala joogsi lahayn ka wada xaafadaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ,kii ugu danbeeyey ayey ciidanku shalay ka sameeyeen degmada Dayniile kaasoo ay kusoo qabteen hub iyo dhalinyato ay sheegeen saraakiihsa dowlada iney ka tirsan yihiin ururka alshabaab ee dagaalka kula jira dowlada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho