SHARCI L. _________:
Dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka
Qod. 1aad
Ujeeddada Sharciga
sharcigan Waxaa lagu dhisayay Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka Jamhuuriyaadda Federaalka Soomaliya sida ku xusan Qodobada 49aad iyo111Eaad ee Dastuurka.
Qod. 2aad
Xarunta Guddiga
Xarunta Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, waa magaalada Muqdisho caasimadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, hasa yeeshee awooddiisu waxay ku baahsan tahay dalka oo dhan.
Qod. 3ad
Qaab-dhismeedka Guddiga
Guddiga Xuduudaha iyo Federaalku, wuxuu ka kooban yahay sagaal (9) xubnood waxuuna yeelanayaa:
1- Guddoomiye,2-Guddoomiye Ku – xigeen 3- Xoghaye.
2- Shaqaale kale ee ka baxsan Xubnaha Guddiga, si ay u fuliyaan waa jibaadka loo xilsaaray, waxaana lagu maamulayaa heshiisyo gaarka ah oo lala galo, iyadoo la tixgelinayo muddada xilka Guddiga. Tirada shaqalahan waxaa xadidayo bahida shaqo ee guddiga
3- Guddigu waxaa uu u adeegsan karaa shaqadiisa qubaro aqoon gaar ah u leh shaqadooda oo aan ka tirsanayn Guddiga.
Qod.4aad
Mas’uuliyadda Guddoomiyaha
Guddoomiyaha Guddiga mas’uuliyaddiisu waa:
1. Madaxa Guddiga ahna mas’uulka howl-maalmeed guddiga.
2. Iskugu yeeraha xubnaha, Qabashada iyo hoggaaminta fadhiyada guddiga.
3. Ku masilaadda Guddiga xiriirka uu la yeelanayo hay’adaha kale.
4. Xiriiriyaha iyo u gudbiyaha warbixinada heerka ay marayaan howlahoodu
hay’adaha Dowladda ee ay shaqadu kala dhexayso.
5.Wixii kale ee Dastuurka iyo shuruucda kale u xilsaaraan.
Qod.5aad
Mas’uuliyadda G/ku-xigeenka
Mas’uuliyadda G/ku-xigeenka:
1. Waxa uu ku kaaliyaa Guddomiyaha howlaha guddigu u xilsaran yahay
isla markaana waxa uu qabtaa wixii uu u idmado.
2. Waxaa uu buuxiyaa kaalinta guddiyaha marka uu maqan yahay ama ay timaado xaalad ka istaagaysa Guddoomiyaha gudashada xilkiisa.
Qod.6aad
Xilka Xoghaya
Xilka Xoghayuhu waa:
1. Kaydinta, isku dubbaridka iyo kaydin dokumiintiyada Guddiga.
2. Gaarsiinta waqtiga shirka iyo qoraalada kale xubnaha guddiga.
3. Agaasimidda howlaha xafiiska iyo shirarka Guddiga.
4. Qabashada waraaqaha ku socdo xafiiska iyo diridda kuwa ka baxayo.
5. Qorista, isku habaynta dooda shirarka iyo gaarsiinta xubnaha kale.
6. Wixii kale ee uu Guddoomiyuhu u xil-saaro.
Qod.7aad
Fadhiga Guddiga
Fadhiyada Guddigu waxay ku ansaxayaan marka ay ka soo qayb-galaan 2/3 saddax meelood labo meel waxayna go’aankoodu ku saxayaa cad hal dheeri ah (50 + 1)
Qod.8aad
Magacaabidda Guddiga
Magacaabidda Guddiga waxaa soo jeedinya Golaha Wasiiradda,waxaa la horgaynayaa Golaha Shacabka si ay u ansixiyaan, kaddibna waxaa lagu magacaabayaa Dekereeto Madaxwayne, ayadoo lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah.
Qod. 9aad
Shuruudaha Xubnaha Guddiga
Xubinta Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, waa inay yeeshaan shuruuda waa:
1. Inuu yahay muwaadin Soomaali ah;
2. In aysan Da’diisu ka yarayn 40 jir;
3. Inuu leedahay aqoon Jaamacadeed oo uu ku fulin karo xilkiisa;
4. In aysan Maxkamadi go’aan kama dambays ah ka gaarin dembi uu galey.
5. Inuu Leeyahay waaya–aragnima la xiriirta xuduudaha iyo degaannada Soomaaliyeed;
6. Inuu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo u suurta gelin karta gudashada xilkiisa;
7. Inuu leeyahay dhaqan iyo asluub wanaagsan.
Qod. 10aad
Xilka iyo Awoodaha Guddiga
Xilka iyo awoodaha Guddigu Xuduudaha iyo Federaalka, waa, sida hoos ku qoran:
1. Samaynta daraasado iyo khariidado ku aaddan sidii dalka looga abuuri lahaa Dowlad Federaalka ah.
2. U soo jeedinta talooyin Baarlamaanka Federaalka oo ku saabsan sidii loo calaamaynlahaa xuduudaha Dowlad-goboleedyada.
3. Ururinta iyo soo gudbinta rabitaannada Gobolada doonaya inay iskood isku raacaan
4. Wixii kale oo uu Dastuurku u xil-saaro.
5. Guddigu, wuxuu adeegsan karaa khubaro ku xeel-dheer howlaha loo xil-saaray.
Qod. 11aad
Waayidda xubinimada Guddiga
Xubinta Guddiga waxaa lagu waayi karaa:
1. Geeri;
2. In uu istiqaalo ka geeyo xubinimada Guddiga;
3. In uu Caafimaadku u saamixi waayo gudashada xilkisa/xilkeeda;
4. In Maxkamadi go’aan kama dambaysa ah ka gaarto dembi uu galey.
Qod. 12aad
Shuruudaha Dawlad-goboleedyada
Deegaan ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si loogu aqoonsado Dawlad-goboleed (Unug) ka mid ah Dawladda federaalka Soomaaliya, waa inuu buuxiyo shuruudaha hoos ku qoran:
1. In deegaanka Dawladgoboleedku ka kooban yahay Laba gobol ama ka badan oo ah kuwii dalka ka jiray 1991kii;
2. In Gobolada dawlad-goboleedka samaysanaya ay iskood isku oggol yihiin;
3. In Golaha Shacabku ansixiyo kaddib soo jeedinta Xukuumadda FederaalkaJS.
Qod. 13aad
Ujeeddooyinka hannaanka federaalka
Ka dhaqan gelinta hannaanka federaalka dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay ujeeddadeedu tahay in la gaaro himilooyinka hoos ku taxan:
1. Baahinta awoodda xukuumadda, si loogu suura geliyo in Dawlad-goboleedyadu ku tartamaan horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha.
2. Si looga hortago is tuhun iyo kala aamin-bax la xiriira wax qaybsiga khayraadka ee bulshada dhexdeeda;
3. In tala midaysan looga hortago wixii khatar ku ah :
a) midnimada qaranka;
b) Sugidda ammaanka iyo xasilloonida dalka guud ahaan.
Qod. 10aad
Madax-bannaanidda Guddiga
1- Guddiga Xuduudaha iyo Federaalku waxaa uu u madax-bannaan yahay fulinta howlaha uu u xil-saaran yahay, wuxuuna u hoggaansamayaa sharciga oo kali ah.
2- Guddigu waa inuu noqdaa dhexdhexaad, madalaana dalka oo dhan.
3- Guddigan kormeer iyo haggid shaqo ku leh Wassaradda Caddaaladda Arr.Diinta,
Dastuurka iyo Federaalk iyo Wasaaradda Arr. Gudaha iyo Amniga Qaran
4. Guddigani waxa uu u soo gudbinayaa Wasaaradda Garsoorka, Arr. Diinta, Awqaafta, Dastuurka , Federaalka iyo Dib–u–heshiisiinta u soo gudbiyaa bil walba warbixin tifaf–tiran oo la xiriirta horumarka waxqabadkiisa;
5. Wasiirka Garsoorka, Arr. Diinta,Awqaafta, Dastuurka , Federaalka iyo Dib–u– heshiisiintu, marka uu helo warbixinta Guddiga, waxaa laga doonayaa inuu gaarsiiyo madaxda Xukuumadda iyo Guddi-hoosaadka Baarlamaanka ee shaqada ku leh.
Qod. 14aad
Xasaanada Guddiga
Guddiga Xuduudaha iyo Federaalku, wuxuu kala mid noqonayaa xasaanadda guddiyada Qaranka ee ku xusan Dastuurka.
Qod. 15aad
Gacan siinta Guddiga
Dhammaan madaxda amniga iyo maamulka gobolada dalka JF Soomaaliya, waa inay Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, gacan ku siiyaan gudashada xilkiisa.
Qod. 16aad
Dhaqan galka sharcigan
Sharcigani wuxuu dhaqan galayaa, marka Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo bsaarayaa Faafinta Rasmiga ah
Qod. 17aad
Baabi’in
Waxaa la baabi’iyay sharci kasta oo ka soo horjeeda ama aan la socon karin sharcigan