Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta galinkii danbe ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.madaxweynaha ayaa u kicitimay magaalada London ee caasimadda dalka ingieiiska halkaas oo uu kaga qaybgali doono shirka wadamada horumaray ee G8-ka.
Madaxweyne Xasan Sheekhg Maxamuud iyo waftiga uu horkacayo ayaa waxaa gagida diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si diiran ugu sii sagootiyey,gudoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid iyo masuuliyiin ka tirsan labada gole.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu marti qaaday shirka wadamada G8-ka oo 15-ka bisha ka furmaya magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska,waxaana la filayaa inuu halkaa kula kulmo madaxweynayaasha dalalka wadamada G8-ka oo uu ka dalban doono taageero ay siiyaan dowladda uu hogaaminayo.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa safaro badan oo uu dalka kaga ambabaxay waxa uu kusoo hooyey guulo la taaban karo,waxaana la filayaa in marka uu soo idlaado shirka G8-ka ay kasoo bixi doonaan go’aanno quseeya arimaha dalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho