Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ka kala yimi gobolada dalka kuwaas oo tababar aqoon kororsi ah uu uga socday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho loogu qabtay munaasabada lagu soo afmeerayey aqoon kororsigaasi.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ,Saraakiisha ugu sareeya ee ciidamada booliska Soomaaliyeed,masuuliyiin ka socda dowladda iyo marti sharaf kale,saraakiisha oo aqoon isweydaarsigu uu u socday muddo 4 maalmood ah ayaa ka kala yimi gobolada dalka Soomaaliya.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir dhanka Amniga ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka Banaadir Warsame Maxamed XAsan Joodax oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ku booriyey booliska Soomaaliyeed iney sugaan amniga dalka,isla markaane ay la dagaalamaan dadka danbiilayaasha ah,wuxuuna intaa ku daray in bulshada Soomaaliyeed ay ka sugayaan ciidamada booliska iney hawl muuqata ka qabtaan xaqiijinta amniga dalka.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliye C/xakiin Daahir Siciid Saacid ayaa sheegay in booliska Soomaaliyeed ay bulshada u hayaan hawl weyn,wuxuuna daboolka ka qaaday iney lagama maarmaan tahay tababarka,qalabaynta iyo Tayaynta ciidanka booliska Soomaaliyeed si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa tilmaamay iney dib u hawlgalinayaan dhammaan Saldhigyadii ciidanka booliska Soomaaliyeed ee gobolada dalka,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in awoodda booliska lagu baahin doono gobolada dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho