War ka soo baxay hay’adda xuquuqda aadanaga ee la yirahdo Human Rights Watch ayaa waxaa logu baaqey baarlamaanka Soomaaliya inuu dibu eegis ku sameeyo sharciga qabyada ah ee la doonayo in lugu soo dhiso guddi heer qaran ah kasoo qabilsanaan doona dhowrista xuquuqul aadanaha.
Waxaa lugu soo qadey warbixinta ay soo sartey hay’addu in loo baahan yahay guddi leh awood madax bannaansho taaso wax lugu dhaqan galin karo.
Human Rights Watch waxay intaa ku dartey in baarlamaanka Soomaaliya uga fadhido inuu sameeyo dhageysi dadweyne, taasoo lagu dhageysanayo aaraa’da doodda ku saabsan sharciga qabya qoraalka ah, lagana qeybgelinayo bulshada rayidka.
Nin lugu magacaabo Leslie Lefkow oo ah ku-xigeenka agaasimaha Africa ee hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegey in hanaanka xiligaan lugu doonayo in lugu dhiso uu waxbadan ka badali karo xaaladda xaquuqda aadanaha ee Soomaaliya xiligaan ka jirta,waxaa uu intaa ku darey haddi la dhiso guddi an awood badan laheyn inuu noqon doono mid ka gaabiya waa jibadkisa shaqo.
Warbixintaan ayaa kusoo begmeysa xili dhawaan ay xukuumadda Soomaaliya ay ugudbisay baarlamaanka hindise sharciyeed amraya in lasoo dhiso guddi madax banan oo qabilsan xuquuqda aadanaha.
RBC Radio