Hargeysa, 13 June 2013 – Ergayga cusub ee Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay, Nicholas Kay, wuxu yimid Hargeysa, Somaliland subaxnimadii maanta si uu kulan ula yeesho Mudane Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo madaxda kale ee Somaliland. Waa booqashadii u horeysay ee Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobay uu Hargeysa ku yimid intii uu la wareegay xilka madaxnimo ee Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM) 3dii June.
Ergayga waxa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar kadibna Wasiirka iyo Ergayga Qaramada Midoobay iyagoo wada socda waxay booqdeen xabaalo-wadareedyada Hargeysa, si ay u xusaan xad-gudubyadii bani’aadanimo ee ugu xumaa ee maamulkii Siyaad Barre gaystay, kuwaas oo dhacay intii u dhaxaysay 1984kii ilaa 1988kii.
Markii uu Ergayga Qaramada Midoobay, Nicholas Kay, Hargeysa yimid wuxu yidhi “Waxan Hargeysa imid xilli aad u horeeya oo ka mid ah wakhtiga ay shaqadaydu bilaabantay si aan u muujiyo in Qaramada Midoobay ay taageerayso himilooyinka nabadda iyo barwaaqada.”
“Somaliland waa jasiirad nabdoon oo xasiloon oo ku taalla gobol aan xasiloonayn, waxanan rumaysanahay in ay jiraan casharo laga baran karo halkan oo ku saabsan sidii nabadda gobolka loo dhisi lahaa. Sidaas daraadeed, waxanu halkan u nimid in aanu wax barano isla markaana taageerno hindiseyaal horseedaya nabad waaarta, xasilooni iyo barwaaqo.”
Hawsha loo igmaday UNSOM waa in ay gacan ka gaysato dhismaha awoodda wax-qabad ee qaranka, adkaynta nabadda, iyadoo ahmiyadda la siinayo maamul-wanaagga, dibuhabeynta hay’adaha amniga, sharciga iyo kala dambeynta, xuquuqda aadamaha, dhexdhexaadinta wada-xaajoodyada iyo isku-dubaridka kaalmooyinka caalamiga ah.
Ergayga Qaramada Midoobay wuxu yidhi “Waanu ka warqabnaa dedaalka Somaliland ee la xidhiidha xoojinta hay’adaha dimuqraadiyadda iyo meel-marinta dimuqraadiyadda iyadoo Somaliland qabatay doorashooyin soo noqnoqday. Sidoo kale waxan ka warqabnaa in ay jiraan caqabado la xidhiidha nidaamka caddaaladda iyo hay’adaha khuseeya iyo weliba xeerka dhaqanka ee ku ladhan, waxanu diyaar u nahay in aanu taageero ka gaysano sii xoojinta ku dhaqanka sharciga”.
UNSOM waxay diyaar u tahay in ay gacan ka gaysato wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Isagoo hadalkiisa sii wata Ergayga Qaramada Midoobay wuxu yidhi “Booqashadaydani waxay hordhac u tahay booqashooyin badan oo aan Somaliland ku iman doono waxana iga go’an wada-shaqayn midho-dhal ah. Xafiiskayaga Hargeysa wuxu xidhiidh hor leh la yeelan doonaa maamulka iyo bulshada rayidka ah si loogu kuur-galo meelaha la iska kaashan karno”