Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Jubbaland oo qaaddacay shirka ay dowladda ku dhawaaqdey in loga hadli doono arrimaha Jubbooyinka iyo Gedo

$
0
0

Kismaayo[RBC Radio]Maamulka Jubba-land ee dhawan lugu dhisey magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”ayaa marki ugu horeysey ka hadley shir ay dowladda faderaalka Soomaaliya ku baaqdey in lugu qaban doono magaaladda Muqdisho logana hadli doono arrimaha ka dhex taagan gobolka Jubbooyinka iyo Gedo ee salka ku haya dhismaha maamul.

Afhayeenka maamulka Kismaayo Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegey in maamulkoda aysan tagi dooni shirka Muqdisho dowladdu sheegtey inay ku qaban doonto.

Seeraar ayaa sidoo kale sheegey inay shirkaasi ka qeyb gali doonan oo kaliya haddi ay dowladdu aqoonsato maamulka Jubbaland iyo madaxweyne Axmed Madoobe.

“Anagu shirkaasi kama qeyb gali doono,waxan kaliya shirkasi an uga qeyb gali doona markii dowladda sheegto inay aqoonsan tahay maamulka ay dhisteen shacabka gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee Jubbaland” ayuu yiri afhayeenka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Seeraar in maamulka ka dhisan Kismaayo uu yahay mid si sax ah lugu dhisey aysan jiri karina ciid arqaladeen doona,maadama sidaa uu sheegey shacabka gobaladaasi iyagu ay dorten.

Axmed Madoobe shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ku sheegay in uu maamulkiisa tagi doono shirka Muqdisho lagu qaban doono isaga oo sharuud uga dhigay in shirkaas maamulkiisa iyo dowlada fedraalka oo kaliya uu quseyn doono uusan ogalaan doonin wax aan taas aheyn.

“Waxa wada hadlaya waa Dowlada Fedraalka iyo Maamul Goboleedka Jubbaland laakiin kaalay isku kalaya oo dad suuqa laga soo ururinayo isku kaalaya jirimeyso waxyaabaha Madaxweynaha aanu kawada hadalnay ayey kamid aheyd IGAD beyna u taalaa ” ayuu ku yiri Madaxweyne Axmed shirkaas jaraaid

Halkaan ka akhriso

Hadalkaan ayaa imanayaa kadib markii dhawaan madxaweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu sheegey in dhawaan Muqdisho lugu qaban doono shir la doonayo in lugu xalliyo khilaafka Kismaayo,balse hadalkaan ayaa waxaa liid kunoqonaya midka kasoo baxey maamulka Kismaayo.

Arrimahaan ayaa ku soo adeya iyadoo wali dowladda faderaalka Soomaaliya aysan aqoonsan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe sheegtana dowladdu inuu yahay mid an sidii saxda ahaa lugu dhisin.

Waxa Jubbaland ay qoonsatay ilaa hada banaanka uma soo bixin.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles