Ceerigaabo(RBC Radio) Ciidamada booliska magaalaca Ceerigoobo ee gobolka Sanaag ayaa gacanta kusoo dhigay 4 Nin oo burcad ahaa iyo Gaari ay soo dheceen kaasoo ay kala yimaadeen deegaano ka tirsan gobolka Bari,taliyaha ciidanka booliska magaalada ceerigaabo Axmed Siciid Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay iney gacanta ku hayaan ragga baabuurka soo dhacay iyo gaarigiiba.
Taliyaha ayaa sheegay in lagu soo wargaliyey in 4-ta nin ee burcadka ah ay baabuurka ay soo dheceen ula soo baxsadeen dhanka gobolka Sanaag,wuxuuna xusay iney dadaal dheer u galeen saacado badanne ay ku qaadatay sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen kooxda burcadka ah iyo gaariga ay soo dheceen,gaariga ayaa waxaa laga soo dhacay Shirkadda Isgaarsiinta golis ee gobolka Bari.
“4-ta ruux iyo gaarigii ay soo dheceen gacanta ayaan ku haynaa wali maanu waraysan kamana hayno tafaasiil dheeraad ah oo la xiriirta sababta ay gaariga usoo dheceen,balse waxaan sheegi karaa in dhalinyaradani ay gaariga kasoo dheceen gobolka Bari” ayuu yiri Axmed Siciid Maxamed.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in raggan oo ay xiligan ku hayaan saldhigga booliska degmada ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ay baaritaano ku samayn doonaan,sharcigane ay horkeeni doonaan sida uu tilmaamay.
RBC Radio