Cadaado(RBC Radio) Doorashada madaxtinimo ee maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa maanta ka dhacday magaalada Cadaado ee xarunta maamulkaas doorashad ayaa waxaa u taagnaa 3-da Musharax oo kala ahaa C/llaahi Cali Maxamed,Cismaan Maxamed Cali iyo Cali Amiin Sayid Axmed.
Saaka aroortii hore ayaa waxaa si weyn loo adkeeyey amniga magaalada Cadaado gaar ahaan goobta ay doorashadu ka dhacaysay,gudiga doorashada,xubnaha baarlamaanka maamulka,masuuliyiintii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Musharixiinta u taagnaa doorashada ayaa soo xaadiray xilli hore goobta ay doorashadu ka dhacaysay.
Doorashada ayaa waxaa lagu kala baxay Wareegii Koowaad,xildhibaanada codeynayayey ayaa tiro ahaan gaarayey 23 xubnood,gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ku dhawaaqay Natiijada Doorshada,wuxuuna tilmaamay in codadkii la dhiibtay ay Musharixiintu u kala heleen sidan.
C/llaahi Cali Maxamed ayaa helay 20 cod,Maxamed Cismaan Cali ayaa helay 2 cod halka Cali Amiin Sayid Axmed uu isne helay 1 cod,gudoomiyaha baarlamaanka Ximan iyo Xeeb ayaa ku dhawaaqay in C/llaahi Cali Maxamed uu yahay madaxweynaha cusub ee maamulkaas 3-da sano ee soo socda, waxaana hoolka ay doorashadu ka socotay is qabsaday sacab iyo mashxarad,baarlamaanka maamulkaas ayaa isla goobta ku doortay madaxweyne ku xigeenka Ximan iyo Xeeb,waxaana loo doortay Col. Cabdi Maxamed Axmed.
Madaxweyihii hore ee maamulkaas Tiiceey ayaa sheegay iney farxad weyn tahay in maanta doorashada maamulkaas ay ka dhacdo gudaha magaalada Cadaado,wuxuuna masuuliyiinta cusub kula dardaarmay iney halkaa kasii wadaan hawshii ay soo qabteen.
Madaxweynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb C/llaahi Cali Maxamed oo isne hadal kooban madasha ka jeediyey ayaa ka mahad celiyey xilka loo doortay,wuxuuna sheegay inuu u baahan yahay garab istaag,wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqayn doono danaha shacabka ku dhaqan deegaanada uu ka arimiyo maamulka Ximan iyo Xeeb.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho