Mombasa(RBC Radio) Dowladda Dalka Kenya ayaa sheegtay in dhalinyaro u dhashay dalkeeda ay ku biireen alshabaab saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in Jermaine Granta oo haysta dhalashada dalka Ingiriiska, Fu’aad Abubakar oo kasoo jeeda deegaanka Majengo oo ka tirsan magaalada Mombas iyo rag kale oo u dhashay dalkaa in ay u baxsadeen gudaha dalka Soomaaliya isla markaane ay ku biireen alshabaab.
Ciidanka la dagaalanka argagixisada ayaa 20-kii bishii December ee sanadkii 2011 xabisga dhigay Granta iyo 2 nin oo ay saaxiibbo ahaayeen kuwaas oo dowladda Kenya ay ku sheegtay iney hormuud u yihiin kooxaha xiriirka la leh alshabaab ee dalkeeda ku sugan kuna hawlanaa iney dhibaato ka geystaan.
Raggan oo maxkamadi ay ku socotay ayaa marka ay maxkamadda soo xaadireen hal mar waxa la waayey halka ay jaan iyo cidhib dhigeen,sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka la dagaalanka argagixisada Kenya ee ATPU ayaa u sheegay Wargeyska The Star in Abubakar iyo Saaxiibkiis Grant ay ka gudbeen xadka kala qaybiya Soomaaliya iyo Kenya.
Sarkaalka ayaa sheegay in Fu’aad Abubakar looga shakiyey inuu abaabulayey weeraro qaraxyo ah oo uu ka geysto gudaha dalkaas iyo inuu tababarro siinayey dhalinyarada da’da yar ee Muslimiinta ah isla markaane uu ka dhaadhicin jiray iney qaataan fikirka alshabaab.
“waa nin qatar weyn ku ah dalka,si weyn ayaan uga taxadareynaa inuusan kasoo gudbin xuduudka dalkeenna,inkasta oo uu dalka ku hayo baqdin weyn oo dhanka amniga ah” ayuu hadalkiisa kusii daray sarkaalkan sare ee ka tirsan ciidanka la dagaalanka argagixisada Kenya ee ATPU oo magiciisa qariyey xiliga uu waraysiga siinayey wargeyska The Star.
Dowladda Kenya ayaa dagaal adag kula jirta alshabaabka dagaalka ka wada Soomaaliya,alshabaab ayaa wacad ku maray iney naafaynayaan Kenya kadib markii ciidanka Kenya ay gudaha usoo galeen kana sareen gobolada Jubooyinka oo goob ay si weyn ugu xoogganaayeen alshabaab dhaqaalaha ugu badanne ay ka heli jireen,waxayna xiligan gudaha dalkaas ka geystaan qaraxyo waxyeelo geysta.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho