Muqdisho(RBC Radio) Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday iney magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka hirgalin doonaan xarumo gaara oo dadweynuhu ay kusoo gudbiyaan cabashooyinkooda la xiriira hadii ay dhibaato kala kulmaan ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Maxamed Yuusuf Cumar oo ku hadlay afka taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Gen.C/xakiin Daahir ayaa sheegay in taliyuhu uu amar ku bixiyey in dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir laga hirgaliyo xarumo ay dadweynuhu cabashadooda geystaan,wuxuuna tilmaamay in xarumahaas la dhigi doono Sanaadiiq ay dadku ku ridi doonaan Cabashadooda.
Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in taliyuhu uu amray arinkaas,wuxuuna xusay in cabashoyinka ay soo gudbiyaan bulshada Soomaaliya ay ka heli doonaan jawaabo deg deg ah waxna looga qaban doono tabashooyinkooda,wuxuuna intaa ku daray in amarka kasoo baxay taliyaha booliska Soomaaliyeed uu sida ugu dhaqsaha badan u dhaqan gali doono.
Wuxuuna daboolka ka qaaday in taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed uusan marna ogolaan doonin in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in shaqada boolisku ay tahay difaacidda shacabka Soomaaliyeed,”Booliska Soomaaliyeed waxaa loo aas-aasay dhowridda badbaadada Nafta,Hantida iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeeka u hadlay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Ciidamada booliska ayaa dadaal ugu jira sidii ay u hanan lahaayeen sugidda amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay xiligan ku sugan yihiin dhammaan masuuliyiinta dalka,go’aanka lagu dhisayo xarumahan cusub ayaa wax badan ka tari doonto in dadka Soomaaliyeed ay helaan goob ay uga dacwoodaan hadii ay boolisku dhibaateeyaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho