Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Midowga Yurub oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageeraya habka baahinta maamulka

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Midowga Yurub uu dowladda federaalka Soomaaliya ka taageerayo baahinta hannaanka maamulka oo la doonayo in lagu baahiyo guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Midowga Yurub uu u ballan qaaday iney gacan weyn ka siinayaan dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan ka baxday kumeelgaarnimadii sidii ay awoodeeda maamul ugu baahin lahayd guud ahaan gobolada dalka oo qaar badan oo ka mid aha aysan dowladdu maamulkooda gacanta ku hayn.

“Midowga Yurub wuxuu naga taageerayaa habka baahinta awoodda maamulka iyo dib u dhiska taasine waxay daliil u tahay in Yurub ay ka go’an tahay daacadne ay ka tahay in Soomaaliya ay markale cagaheeda isku taagto,kana baxdo dhibaatada dabada dheeraatay ee ay ku raagtay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka hadlayey shir jaraa’id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen  isaga iyo Olof Skoog oo ah madaxa siyaasadda iyo amniga Midowga Yurub oo wafti uu hogaaminayo ay shalay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheekh  ayaa dalalka Midowga Yurub uga mahadceliyey sida ay mar walba u garab taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed,wuxuuna tilmaamay in dhankooda ay ka faa’iideysan doonaan taageerada ay ka helayaan midowga Yurub.

Beesha caalamka ayaa dadaal badan ku bixinaysa taageerada dowlada federaalka Soomaaliya,waxaana muuqa in caalamka ay xiligan ka go’an tahay taageeridda dowlad ay yeelato Soomaaliya,beesha caalamka ayaa waxaa lagu eedeyn jiray ineysan marnaba daacad ka ahayn in Soomaaliya ay yeelato dowlad rasmi ah,waxaana loo aanaynayaa sababta keentay in caalamku  xiligan uu isku hawlo soo celinta dowladnimadii Soomaaliya kadib markii dowlad la’aanta Soomaaliya ay ka dhasheen Burcadbadeed qalqal galiyey ganacsiga adduunka iyo Islaamiyiin qatar ku noqday danaha reer galbeed ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles