Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dibad-bax looga soo horjeedo dhibaataynta Soomaalida Koonfur Afrika oo Beledweyne ka dhacay

$
0
0

 

Beledweyne(RBC Radio) Boqolaal ruux oo caraysan ayaa iskugu soo baxay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaar ahaan halka loo yaqaan dal-Jirka dahsoon,dadka dibad-baxa dhigayey ayaa si weyn uga caraysnaa dhibaatada mawaadiniinta Soomaaliyeed loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika oo isbuucyadii u danbeeyey sii kordhayey.

Bannaanbaxa ayaa waxaa soo agaasimay dhalinyarada ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaana kasoo qaybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Beledweyne,dadka Mudaharaadka dhigayey ayaa ugu baaay dowladda Soomaaliya iney go’aan rasmi ah ka qaadato tacaddiyada lagu haya ummadda Soomaaliyeed ee ku ganacsada dalka Koonfur Afrika.

Masuuliyiinta ka qaybgalay dibad-baxaas ayaa waxaa ka mid ahaaa Yuusuf Axmed Hagar”Daba-geed” gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan,dadka Mudaharaadka dhigayey ayaa ku qaylinayey ereyo ay ku muujinayaan sida ay uga damqanayaan dhibaatada ba’an ee walaalaha Soomaaliyeed loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika.

Waxayna ka dalbadeen bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas iney kasoo hayaamaan halkaas dibna ugu soo laabtaan dalkooda Hooyo  si ay uga nabadgalaan dhibaatooyinka foosha xun ee ay u geysanayaan Koonfur Afrikaanku.

Maalmihii danbe ayaa waxaa dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka dhacayey Mudaharaadyo ay dhigayaan bulshada Soomaaliyeed kuwaas oo ay ku muujinayaan sida ay uga gubanayaan waxyeelada joogtada ah ee Soomaalida loogu geysanayo dalkaas,Soomaalida ku nool Koonfur Afrika ayaa waxaa loo geystaa dil,boob,Kufsi iyo falal la xiriira Isir Nacayb,mana jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka intaa la eg ee Soomaalida ku haysata dalkaas.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles