Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Tallaalka cudurka Dabaysha oo maanta Muqdisho si rasmi ah uga bilowday

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Tallaalka cudurka Dabaysha ee dadka waaweyn ayaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray munaasabad si weyn loosoo agaasimay oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta wasaaradda adeegga bulshada gaar ahaan waaxda Caafimaadka,maamulka gobolka Banaadir Saraakiil ka socotay hay’adda caafimaadka adduunka ee  WHO ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadal dheer oo ku saabsan ahmiyadda uu tallaalkani u leeyahay bulshada Soomaaliyaa ka jeediyey  agaasimaha waaxda Caafimaadka wasaaradda adeegga bulshada  xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Sheekh Cabdi.

Agaasimaha ayaa sheegay iney ayaan darro tahay in Labo dhibcood oo aad afka ka qaadan lahayd awogood inaad u naafowdo,wuxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iney qaataan tallaalka oo uu sheegay inuu ka badbaadinayo cudurka Dabaysha(Polia) cudurkaas oo aan lahayn daaweyn ka hortag mooyee.

Agaasimaha ayaa ballan qaaday in wasaaradda adeegga bulshada ay kaalin ka qaadanayso sidii bulshada looga tallaali lahaa cudurka,wuxuuna daboolka ka qaaday iney shaqaalaha ku hawllan kala shaqayn doonaan sidii shacabka looga dhaadhicin lahaa iney tallaalka qaataan.

Kulan shalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed oo ay ka wada qaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa dowladda Soomaaliya ayey kaga wada hadleen sida ugu habboon ee dalka looga cirib tiri karo cudurkaas,waxayna si wadajir ah shacabka ugu baaqeen iney qaataan Tallaalka ka hortagga cudurka Dabaysha.

17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa waxaa saaka ka wada bilowday tallaalka waxaana la arkayey shaqaalo fara badan oo ku hawlanaa tallaalidda carruurta da’da yar iyo dadka waaweyn intaba.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles