Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Jaaliyadda Puntland ee dalka Jarmalka oo kulan la qaadatey Wasiir Cabdifataax Sh. Cabdulaahi Xassan (Sawirro)

$
0
0


Karlsruhe : Jaaliyadda Puntland ee wadanka Jarmalka ayaa kulan soo dhaweyn iyo fikir iswareysi ah la yeeshey Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Dowladda Federalka Itoobiya mudane Cabdifatax Sh. Cabdulaahi Xassan oo booqasho shaqo ku maraya dalalka Yurub qaarkood ( Ethiopian Minister of Labour and Social Affairs), kulankaasina wuxuu ka dhacey magaaladda karlsruhe ee Gobolka Baden-Württemberg ee dalka Jarmalka.

Kulankaas Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federalka Itoobiya iyo Jaaliyadda Puntland ee ku nool wadanka Jarmalka dhex marey ayaa waxaa looga wada hadlayey arrimaha ka taagan dalka Soomaaliya sida Colaadaha hadba soo cusbaanaya iyo sidii nabadgelyo loogu soo dabaali lahaa taas  oo daba dheeraadey ama soo jiitamayey in ka badan 23 sanno . Furitaankii shirka ka dib waxay Jaaliyaddu u mahad celisay Dowladda Itoobiya sidii walaaltinimadda ah oo ay mar walba u jeceshahay inay hormood u noqoto nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya ee ay jaarka yihiin ayagoo Naf iyo Maalba ku bixiyey inay mar uun arkaan Soomaaliya oo dalkii iyo dadkiiba ay nabad yihiin, waxaan halkaas laga cadeeyey in Dowladda Itoobiya aysan wax kaalmo ah caalamka kaga helin arrimaha nabad ku soo celinta Soomaaliya oo ay maalin walba Askarteedu ku dhintaan ama ku dhawacmaan dhamaan agabka ay u baahan yihiin ay Dowladda Itoobiya ayadu isu qabto ama jeebkeeda ka bixiso (Naf iyo Maalba), halka kuwa Ciidamadda dalalka kale ah ee AMISOM  kharashkooda ama waxa ay haystaan ay bixiyeen Wadammada Caalamka ee jecel inay Soomaaliya Nabad ku soo noqoto oo xitaa Askarta kaga dhimata magtooda ayaa la siiyaa.

Jaaliyadda Puntland ee dalka Jarmalka ku Nooli waxay cod kore ama fariin ku sheegeen in Wadammada IGAD-ka iyo Caalamkaba oo ay Itoobiya ka mid tahay ay ogaadaan inay muhiim tahay inay ilaaliso Dowladda Federalka ee Soomaaliya wixii lagu heshiiyey oo Dowladda lagu wada dhistey sida Dastuurka inaan la bedelin amaba aan la tirtirin, hanaanka Federalisamka ama maamul Goboleedyada , isu celinta hantida la kala haysto, Dib u heshiin dhab ah in lala yimaado iyo meel nabad ah in aan colaado cusub laga abuurin !. Mudane Maxamed Cali madhoodhe oo ka mid ahaa odayaasha Jaaliyadda Puntland oo kulankaas ka hadley ayaa yiri “ waxaan ognahay madaxda Soomaalidu intooda badani way ka leexdaan wadadii ama dariiqii ummadda nabadda iyo xasilooni lagu gaarsiin lahaa ama qaarkoodba marka ay meesha yimaadaan ma lahan biseyl siyaasadeed iyo karti hogaamineed, taas oo u dhigan Hal ninkii lahaa Dabada hayo oo uu dhulka ku dhajinayo qofna ma kicin karo, markaa waxaan idinka codsanaynaa haddii aad tihiin wadamadda IGAD-ka iyo Caalamkaba inaad u dul qaataan ummadda Soomaaliyeed inta ay nabad iyo xasilooniba ka helayaan“.

Intaas ka dib waxaa kulanka ka hadley Wasiirka mudane Cabdifatax Sh. Cabdulaahi oo ugu horeyn uga mahad celiyey Jaaliyadda Puntland ee Jarmalka ku nool sida walaaltinimadda leh ee ay u soo dhaweeyeen, wuxuuna u sheegay sida ay Dowladda Itoobiya u jeceshahey inay aragto Soomaaliya oo nabad ah dal iyo dadba  isla markaana cagaheeda ku taagan lana mid ah wadamada deriska iyo kuwa Caalamkaba. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay haddii ay Soomaaliya Nabad tahay wadamadda deriska la ahna waa nabad sababtoo ah waa dad intooda badani aan kala maarmin oo isu socda ha noqoto Ganacsato, Xoola dhaqato iyo safaro badan oo kale. Haddii aanu nahay Dowladda Itoobiyana waxaanu mar walba u taagan anahy inaanu garab istaagno walaalahayo iyo deriskayo  Soomaaliya si ay nabadu ugu soo noqoto ayuu yiri Wasiirku.

Xubnaha Jaaliyadda Puntland ee Jarmalka ku nool ee ka hadley waxaa ka mid ahaa Mahdi Cabdisalaam Khalif oo ka hadley inaan maanta loo baahnayn colaado cusub iyo meelaha ayagu dadkii lahaa ay maamulo u sameysanayaan in la hor istaago,waxa keliya oo ay u baahan yihiin in loo qabto waxay ahayd in wixii ka dhiman dowladu ku taageerto balse aan rabitaankooda la hor istaagin sida Goboladda Jubbaland iyo kuwa kale ee soo socdaba, Haddii aanu nahay Jaaliyadda Puntland ee Jarmalka waxaanu mar walba taageero la garab taagan nahay rabitaanka iyo masiirkooda Shacabka Jubbaland iyo maamulka ay dhisteen.  Sidoo kale waxaa ka hadley Axmed Cabdi Cali iyo Xubno kale. Guud ahaan kulankii Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Itoobiya mudane Cabdifatax Sheekh Cabdulaahi iyo Jaaliyadda Puntland ee Jarmalka ku nool wuxuu ku soo dhamaadey jawi aad u heer sareeya .

Karlsruhe, Germany

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles