Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka degmada Garbahaarey oo beeniyey in nin alshabaab ay ku dileen Baardheere uu ka tirsanaa ciidanka dowladda

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Maamulka magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo  ayaa been abuur ku tilmaamay war alshabaab kasoo yeeray kaasoo ku saabsanaa in  nin ay ku dileen degmada Baardheere ee gobokka Gedo uu ka tirsanaa ciidamada milateriga dowladda federaalka Soomaaliya ee ka hawlgala magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaas.

Gudoomiyaha maamulka magaalada Garbahaarey Iimaan Caddow Kaarshe oo warfidiyeenka la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ninka alshabaab ay ku dileen degmada Baardheer ee gobolkaas uu ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya ee ka hawlgala degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Iimaan Caddow Kaarshe gudoomiyaha magaalada Garbahaarey ayaa alshabaab ku eedeeyey iney gumaad ku hayaan shacabka ku dhaqan gobolada dalka iyaga oo ku gabbanaya in shacabku ay yihiin Jaajuus u shaqeeya dowladda Soomaaliya,wuxuuna ku tilmaamay alshabaab iney yihiin arxan laawayaan u bareeray cabbidda dhiigga shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiye Iimaan ayaa sheegay in alshabaab ay bulshada Soomaaliyeed ku hayaan dhibaato ba’an,wuxuuna intaa ku daray iney xoolaha ka dhacaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan dhulka miyiga ah sida uu sheegay gudoomiyaha  Garbahaarey.

Caddow ayaa sheegay iney tallaabo adag ka qaadi doonaan alshabaab,wuxuuna wacad ku maray iney shacabka ka dulqaadi doonaan dhibaato uu sheegay in alshabaab ay ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaanada gobolka gedo ee ay wali gacanta ku hayaan.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles