Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan SH oo Muqdisho kula kulmay wafti ka socda Midowga Yurub

$
0
0

 

 

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya wafti ka socda Midowga Yurub oo ka koobnaa 18 safiir oo ka kala socda wadamada Midowga Yurub,kulanka oo ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen ayaa waxaa lagu qabtay xarunta ciidanka AMISOM ee xalane.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxaafadda uga warbixiyey waxyyaabihii ay ka wada hadleen waftiga ka socda Midowga Yurub ee ay kulanka la qaateen,wuxuuna sheegay iney u bandhigeen waftiga ay la kulmeen waxyaabaha u qabsoomay dowladda Soomaaliya,waxa u dhiman iyo waxyaabaha ay hiigsanayso ee ay dadaalka ugu jirto sidii ay u qaban lahayd.

“Waxaan kala hadalnay amniga iyo siyaasadda Soomaaliya,waxaan u sheegnay waxaabaha inoo qabsoomay intii aan hawsha wadnay,waxa inoo dhiman oo aan hadda gacanta ku hayno iyo waxyaabaha ay ku hamineyno mustaqbalka dhow” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ku ammaanay midowga yurub doorka wanaagsan ee ay ka qaateen taageerada Soomaaliya,wuxuuna sheegay in midowga Yurub uu si dhab ah isku garab taagay Soomaaliya mudadii ay dhibaatadu ka jirtay.

“midowga Yurub waxa ay taageero weyn ka geysteen,dib u dhiska dalka,tababaridda ciidanka Soomaaliyeed iyo kaalmada Bini aadaninimo,waxay kaalin weyn kasoo qaateen taageeridda xukuumadihii kumeelgaarka ahaa,waxayna ka shaqeeyeen sidii ay Soomaaliya uga bixi lahayd kumeelgaarnimada” ayuu hadalkiisa raaciyey  madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Olof oo waftiga ka socday midowga Yurub hogaaminayey  ayaa isne sheegay iney diyaar u yihiin taageeridda dowladda Soomaaliya,wuxuuna qiray in Soomaaliya ay kasoo kabanayso colaadihii iyo dhibaatooyinkii dalka ku habsaday kadib burburkii dowladii dhexe ee dalka.

 

 

 

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles